Dowlada Finland oo dalka ku soo rogtay saddex toddobaad oo xaalad aan caadi ahayn ah (jid-xir) laga bilaabo 8.3

Shirkii jaraa'id ee golaha wasiirrada 8.3/ Xuquuqda sawirka: Suomen Somali Media SSM

Khamiis 25.2.2021. Golaha wasiirrada dalkaan Finland ayaa shir jaraa’id oo ay maanta qabteen waxaa ay kaga hadleen howlaha cusub ee looga hortagaayo feyruska korona ee ay dowladdu gaartay. Ra’iiusul wasaaraha dalkan Finland Sanna Marin ayaa sheegtay in laga bilaabo 8.3 dalka lagu soo rogaayo xaalad aan caadi ahayn oo saddex toddobaad ah, iyadoo lagu samayn doono xaalad jidxir ah, taasoo socon doontaa ilaa iyo 28.3.

Dhammaan gobolada dalka ee ku jira heerarka karaar qaadashada iyo heerka faaafista cudurka safmarka ah, waxaa xadaymaha hadda saaran ka sokow lagu soo rogi doonaa, in ardayda dugsiyada sare iyo kuwa macaahidda iyo ardayda dugsiyada dhexe ay waxbarashada u wareegi doonaan dhanka internetka. Waxaa intaas dheer in la joojiyay howlaha hiwaayadha kooxaha ee wixii ka weyn 12 sano jir.

Sida Ra’iisulwasaaruhu ay sheegtay waxaa heerka labaad ee faafista cudurka korona la geliyay gobollada kala ah Helsinki iyo Uusimaa (HUS), Varsinais-Suomi, Satakunta, Kanta-Häme, Vaasa, Ahvenemaa iyo Lappi.

Gobollada ku jira heerka karaar qaadashada cudurka safmarka ah, waxaa iyagana la soo jeediyay in ay galaan heerka labaad. Waxaana kuwaas ka mid ah Itä-Savo, Etelä-Karjala, Pirkanmaa, Keski-suomi, Päijät-Hame, Länsi-Pohja, Pohjois-Pohjanmaa, Etelä-Pohjanmaa iyo Kymmenlaakso.

Waxaa isuimaatinka lagu xadeeyayl ix qof oo kaliya, sidoo kale munaasabadaha guud lix qof ka badan la isguma imaan karo.  Waxaa intaas dheer in magaalooyinka iyo degmooyinka ay awood u leeyihiin in ay sii xoojiyaan howlaha looga hortagaayo faafista feyruska korona, marka ay gaarayaan go’aammada la xiriira go’doominta iyo karantiilka.

Arrimahaa la soo rogay sida Sanna Marin ay sheegtay ma saamaynayaan carruurta dugisga hoose iyo kuwa iyaga ka sii yaryar ee xannaanooyinka.

Waxaa intaas dheer in xukuumaddu ay baarlamaaka u gudbin doonto hindisaha ku saabsan xirista maqaaxiyaha. Si kastaba arrinkaan ah xaaladda jidxirka ama aan caadiga ahayn ee gobollada qaar lagu soo rogay, ma khuseyn doono gobollada xaaladdoodu caadiga tahay ee ku jira heerka asaasiga ah ee faafista feyruska.

Golaha wasiirrada ayaa sheegay in xaaladda faafista feyruska, gaar ahaan nooca cusub ay tahay mid aad u daran sababtaas awgeedna loo baahan yahay in laga digtoonaado wadaxiriirka iyo isuimaatinka bulshada dhexdeeda ah mudadaas saddexda toddobaad lagu guda jiro. Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegtay in sababta xaaladda ay u xumaatay ay tahay, in xayiraadihii jiray qaarkood la qaaday ama la dabciyay iyadoon la gaarin waqtigii ku haboonaa, sababtaas awgeedna uu feyruska cusub si xoog ah ugu faafay.

Ra’isulwasaaraha dalka Sanna Marin ayaa shegtay in xaaladda haatan jirta aysan ahayn mid wali sababaysa in dalka xukun degdeg ah la geliyo, kaasoo tusaale ahaan bandow lagu soo rogi karo socodka iyo dhaqdhaqaaqa dadka. Ma doonayno ayay tiri inaan hadda isticmaalno, laakiin waa suurtaggal in xaaladdu ay keento in xukun degdeg ah la soo rogo.

Faafista feyruska ayaa maalmihii ugu dambaysay Finland aad ugu soo badanaysay, gaar ahaan feyruska nooca cusub. Sida ay maanta sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga Finland THL, waxaa Finland laga helay 660 feyruska nooca cusub ee Ingiriiska ah, 29 nooca Koonfur-Afrika iyo hal nooc oo kan Baraaziil ah.

Dhammaan feyrusyadaas cusub 529 ka mid ah waxaa laga helay caasimadda iyo hareeraheeda, taasoo keeni karta khatarta ah in xaaladda cudurka safmarka ah ee caasimadda iyo hareeraheeda in ay noqoto mid halis ah.

Feyruska caadiga ah waxaa THL ay maanta sheegtay in laga helay 565 qof.

Dhinaca xaaladda isbitaallada ee qaybaha gargaarka degdegga ah, gaar ahaan caasimadda iyo hareraheeda ayaa laga soo dayrinayaa, iyadoo mar horeba ay bilaabatay in bukaannada u baahan gargaarka degdegga ah loo wareejiyay illaa saddex gobol oo kale, kaddib markii boosas looga waayay halkaan. Sidoo kale waxaa la baajiyay qalliimo lagu samayn lahaa qaybaha wadnaha iyo sambabada, iyo qalliimo yaryar oo kale oo bukaannada qaarkood u ballansanaa.

Xigasho: YLE, THL