Finland waxaa laga helay maanta 211 qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo 3 xaaladood oo dhimasho cusub ah

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Jimce 21.05.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 211 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 91 157 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 2 825 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 61 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 82 qof,  gobolka Kanta-Häme oo laga helay 28 qof, iyo gobolka Varsinais-Suomi oo  laga helay 21 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 68
Lahti 13
Espoo 12
Hämeenlinna 12
Turku 7
Kannus 7
Raisio 7
Kotka 6
Riihimäki 5
Pietarsaari 5
Orimattila 5
Rauma 5
Nurmijärvi 4
Janakkala 4
Valkeakoski 4
Tampere 4
Oulu 3
Forssa 3
Vaasa 3
Kokkola 3
Salo 3
Akaa 2
Salo 2
Porvoo 2
Siuntio 2
Hyrynsalmi 2
Hausjärvi 2
Jyväskylä 2
Veteli 2
Suomussalmi 2
Hyvinkää 2
Vihti 2
Kouvola 2

 

Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 136 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  28 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 932 qof. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 14 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 6 875 oo qof, kuwaasoo 5 639 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 1 194 waa nooca Koonfur-Afrika, Nooca Hindiga oo ah 40,  iyo 2 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 12.05).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 2 234 109 oo qof (21.05).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

Adduunkoo dhan Qaaradda Yurub
Tirada feyruska laga helay 166 223 270 52 419 335
Tirada u dhimatay feyruska 3 451 357 1 116 974

 

Qaaradda Afrika Qaaradda Aasiya
Tirada feyruska laga helay 4 771 829 48 249 674
Tirada u dhimatay feyruska  127 962 631 600

 

Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka ay xaaladda ugu badan ee faafista feyrusku  ka jirtay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
Hindiya 26,030,674   259 269   4 209  291 365
Baraaziil 15,898,558     83 367    2 527  444 391
Arjantiin 3,447,044     35 884       434    72 699
Faransiiska 5,568,551   108 314       133  108 314
Kolombiya 3,177,212     16 086       490    83 233
Iiraan 2,804,632     12 428       229    77 99

 

Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka waqooyiga Yurub, dalka Sucuudiga oo arrimaha xajka iyo cumrada loo aado iyo dalkeenna Soomaaliya

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
28 Sweden 1,058,341    3 170      14 328
63 Denmark 270,557    1 214         2 506
88 Norwey 120,797    505           781
159 Iceland  6 555    4              29
42 Saudi-Arabia  437,569    1 330     13     7 214
133 Soomaaliya  14 594    14     5       767

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS