Xaaladda guud ee safmarka fayruska Korona  ee Finland ayaa hadda ah mid deggan

Espoo 27.6.2020- THL, Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga Finland ayaa shaaca ka qaadday in xaaladda Korona ee dalka Finland ay hadda tahay mid deggan, inkastoo ay weli jirto halis keeni karta in cudurkan la qaado.

Warbixintii ugu dambeysay ee ay Hay’addu soo saartay ayeey ku sheegtay in tirada guud ee kiisaska fayruska Korona ee baaritaanka shaybaarka lagu xaqiijiyay illaa iyo hadda ay tahay 7191. Isbeddelku wuxuu ku saleysan yahay la socosho 7 maalmood ah, waxaana todobadaas maalmood ku korortay 49.

Waxaa isbitaalka lagu dabiibayaa 23 qofood halka qaybta gargaarka degegga ahna uu ku jiro 1 qof.

Illaa iyo hadda waxaa dalka Finland laga diiwaangeliyay 328 qofood oo fayruska Korona u geeriyootay.

Xigasho: THL