Baaritaanka feyruska korona waa la aadi karaa, xitaa xilligaan lagu jiro fasaxa.

Khamiis 24.12.2020. Howlwadeennada arrimaha caafimaadka waxaa ay dadweynaha xusuusinayaan, in haddii qofku uu isku arko qaar ka mid ah astaamaha feyruska korona, uu codsan karo ballanka baarista feyruska korona, xitaa xilligaan lagu jiro fasaxyada. Sidoo kale waxaa uu qofku codsiga baaritaankaas ka samayn karaa, xitaa haddii uu fasaxa ku joogo magaalo aan ahayn middii uu degganaa ama ka tirsanaa.

Dhakhtarka sare oo ka tirsan hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga Taneli Puumalainen oo arrinkaan ka hadlayay ayaa yiri:” Qofku waa in uu la xiriiraa howlwadeennada caafimaadka ee magaalada uu booqashada ku joogo, uuna ka hubsadaa xilliga uu baaritaanka imaan karo. Puumalainen wuxuu kaloo xusuusiyay dadka, in mudada uu qofku sugaayo baaritaanka uu afshareerka qaato, islamarkaana uu go’doon isgaliyo, oo uu galo qol ka duwan meesha ay dadka kale joogaan.

Si loo yareeyo khatarta faafista feyruska korona ayaa waxaa dadweynaha loo soo jeediyay in xilliga fasaxa la iska daayo u safridda magaalooyinka kale. Haddiise ay lagammamaarmaan noqoto oo qofku uu safarka ka baaqsan waayo, waxaa la is xusuusinayaa in aan koox dad ah oo badan hal meel la isugu imaan, sidoo kale intii qof ee guriga ku wadanool oo kaliya ay fasaxa wada qaataan, oo qof ka baxsan guriga aan loo yeerin. Waxaa kaloo la isxusuusinayaa, haddii qofku isku arko astaamaha feyruska, islamarkaana ay guriga la deggan yihiin dad waayeel ah ama ka mid ah kuwa u nugul halista cudurrrada, in ay habboon tahay in qofkaas uu ka fekero sidii uu u aadi lahaa goob kale oo ka baxsan guriga oo uu karantiil ku galo. Sidaas ayaa lagu yareynkaraa khatarta feyruska.

Waxaa dalkaan Finland ka bilowday fasaxii bisha December ee xafladaha kirismaska iyo sannadka cusub, kuwaasoo u caado ah in dadku ay iyagoo kooxkoox ah guryaha ku kulmaan, arrinkaa ayaana welwel weyn ku haya howlawadeennada caafimaadka, waxaana laga cabsi qabaa in tirada faafista feyrusku ay mar kale cirka isku sgareerto, haddii dadku ay u hoggaansami waayaan xadaymaha iyo talosoojeedinta howlwadeennada dowladda.

Helsinki haddii aad deggan tahay waxaad ka ballan kastaa baarista feyruska https://www.omaolo.fi, qaybaha kale ee gobolka Uusimaa waxaad ka ballansan kartaa bogga internetka ee https://koronabotti.hus.fi.

Lambarka telefoonka ee macluumaadka korona ee Helsinki waa: 09 310 10024

 Lambarka telefoonka ee macluumaadka korona ee Espoo waa: 09 816 34600

Lambarka telefoonka ee macluumaadka korona ee Vantaa waa: 09 8395 0070

Wixii ka dambeeya xilliyada shaqada waxaad wici kartaa telefoon lambarka heeganka : 116 117