Wararka feyruska korona ee Finland iyo caalamka intiisa kale

Finland waxaa laga helay 244 qof oo cusub oo qaba feyruska korona

SABTI 14.11.2020 . Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 244 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 19 102 qof.

Meelaha ugu badan ee faafista cudurku ka dhacay waxaa markale ugu badan Helsinki iyo Uusimaa oo tirada laga helay marka la isu geeyo ah 172 qof. Magaalooyinkuna waa sidatan soo socota: Helsinki 75 qof, Vantaa 35 qof, Espoo 33 qof, Vihti 11 qof,  Hyvinkää 7 qof, Turku 7 qof, Tampere 7 qof, Oulu 5 qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ku jira 73 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 15 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran. Tirada dhimashudna waxaa ay iskudarka guud maraysaa 369 qof.

Ra’iisulwasaaraha dalka Finland oo dadka u soo jeedisay in ay u adkaystaan xadidaadaha looga hortagaayo fafista feyuska korona, tan iyo inta tallaalka laga helaayo.

Ra’iisulwasaaraha dalkan Finland Sanna Marin ayaa hadal ay ka jeedisay shirkii xisbiga SDP, waxaa ay soo jeedisay in loo hoggaansamo hagista iyo talooyinka ka imaanaya howwadeennada caafimaadka, islamarkaana loo adkaysto u hoggaansankooda tan iyo inta lga helaayo tallaalada looga hortagaayo feyruska korona.

Waxaa ra’iisulwasare Marin ay ka codsatay dadweynaha reer Finland in la raaaco talooyinka caafimaadka ee la soo jeedinaayo, si kasta oo wararku u sheegeen in la helay rajooyin tilmaamaya tallaalo cusub oo looga hortagaayo feyruska korona. Waxaana ra’iisulwasaaruhu ay tilmaantay in ay waqti dheer qaadanayso tan iyo inta howlaha tallaalka laga soo dhammaynaayo.

Shirkadda Pfizer iyo tan la yiraahdo BIONtech ayaa toddobaadkii hore shaaca ka qaadday in ay soo saareen tallaal ay si wadajir ah u sameeyeen oo looga hortagaayo feyruska korona, kaasoo ay sheegeen in 90% uu yahay mid waxtar leh, kana gudbay tijaabadii saddexaad. Tallaalka ayaa la sheegay in uu qofka ka ilaalinaayo astaamaha cudurka, laakiin  mahan mid yaraynaya faafista ama horistaagaya in uu hore u sii kordho.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

13 503 689 53 320 716
 

Tirada u dhimatay feyruska

315 402 1 301 286

 

Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 11     milyan  183 625   1 190 248 585
2 Hindiya 8,77   milyan     45 343     539 129 225
3 Baraaziil 5,81   milyan     35 849     614 164 946
4 Faransiiska 1,92  milyan      23 794      932    43 892
5 Ruushka 1,88  milyan      21 983      411     32 443
6 Spain 1,49   milyan      21 371      308     40 769
7 Ingiriiska 1,31  milyan       27 301      376     51 304
8 Arjantiin 1,29   milyan       11 859      263      35 045
9 Kolombiya 1,82   milyan         8 685      178      33 669
10 Talyaaniga 1,10   milyan        40 896      550      44 139
Xigasho: Yle, HS, Worldmeter