Finland waxaa laga helay maanta 363 xaaladood oo feyruska korona ah iyo 7 xaaladood oo dhimasho cusub ah

Jimce 29.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 363 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 44 402 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 59 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 200 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 51 qof, iyo gobolka Pirkanmaa oo  30 qof laga helay.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 93 qof, Espoo: 44 qof, Vantaa: 35 qof , Tampere 29, Turku: 27 qof, Rauma: 19 qof, Oulu: 9 qof, Jyväskylä: 9 qof, Vaasa: 9 qof, Magaalooyinka Raiso iyo Kuopio oo min 8 qof laga helay. Järvenpää: 5 qof, Magaalooyinka Naantali, Rovaniemi iyo Hyvinkää oo laga helay min 4 qof. Magaalooyinka kala ah Loimaa, Kerava, Lohja, Lappeentanta, Kouvola, Kirkkonummi iyo Kaarina oo min 3 qof laga helay. Iyo magaalooyinka kala ah Riihimäki, Karvia, Pudasjärvi, Nurmijärvi, Vihti, Porvoo, Savonlinna, Kotka, Muhos, Alajärvi iyo Vöyri oo min 2 qof laga heöay, inta kale ee soo hartay ee magaalooyinkana waa min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 126 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 20 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 671 qof, kaddib markii hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga ee Finland ay sheegtay maanta dhimashada 7 qof oo hor leh.

Xaaladda cudurka safmarka ah ee heerka faafista: HUS, Kymenlaakso, Päijät-Häme,, Kanta-Häme, iyo Varsinais-Suomi. Heerka karaar qaadashada, Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pohjois-Pohjanmaa, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Etelä-Karjala, Pohjois-Karjala, Ahvenanmaa, Kainuu, Pohjois-Savo, iyo Vaasa (marka laga reebo Korsnäs, Mustasaari, Pietarsaari iyo Maalahti, oo iyagu ku jira heerka faafista). Heerka hoose: Satakunta, Keski-Pohjanmaa, Itä-Savo, Etelä-Savo iyo Lappi.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

   32 893 414    102 137 721
         724 878       2 203 114

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 26,3 milyan  162 574    3 908  443 769
2 Hindiya 10,7 milyan   18 940       162  154 047
3 Baraaziil 9,06 milyan    60 301     1 439  221 676
4 Ruushka 3,79 milyan    19 138        575   71 651
5 Ingiriiska 3,74 milyan    28 680     1 239  103 126
6 Faransiiska 3,13 milyan    23 770        344    74 800
7 Isbeyn 2,79 milyan    34 899        515    57 806
8 Talyaaniga 2,51 milyan    14 376        492    87 381
9 Turkey 2,46 milyan      7 279        129    25 605
10 Jarmalka 2,19 milyan    14 915        862    56 220
11 Kolombiya 2,06 milyan    12 270        390    52 913
12 Arjantiin 1,90 milyan      9 471        166    47 601
13 Meksiko 1,78 milyan    17 944     1 623  153 639
14 Poland 1,50 milyan      7 157        390    36 444
15 K/afrika 1,44 milyan      7 150        555    43 105
16 Iiraan 1,40 milyan      6 5 27          85    57 736
17 Ukriane 1,21 milyan      5 529        149    22 351
18 Peru 1,12 milyan      5 715        212    40 484
19 Indonesia 1,03 milyan    13 695        476    29 331

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS