Finland waxaa laga helay 349 qof oo cusub oo qaba feyruska korona iyo 5 xaaladood oo dhimasho ah

Talaada 15.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 349 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 31 459 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 57 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolkan Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 168 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo 71 qof laga helay, iyo Pirkanmaa oo laga helay 28 qof.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki (94), Vantaa (44), Espoo (18), Turku (44), Tampere (21), Jyväskylä (16), Oulu (11), Masku (8), Hämeenlinna (8), Rovaniemi (7),Vaasa (6), Joensoo (5), Raiso (5), Kauhajoki (5),  Lahti (4), Alajärvi (4), Uurainen (3), Kuopio (3), Varkaus (3) iyo gobolka Satakuna (3).

Xaaladda cudurkan safmarka ah ayaa aad uga soo daraysay labadii toddobaad ee ugu dambeeyay, meelaha aadka ugu daran waa Helsinki iyo Uusimaa,Varsinäis-Suomi, Päijät-Häme, Pirkanmaa, iyo gobolka Pohjois-Pohjanmaa.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 284 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 35 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 466 qof, kaddib markii maanta 5 qof oo hor leh ay feyruska korona awgiis u dhinteen.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

21 400 312   73 329 438
 

Tirada u dhimatay feyruska

      479 789      1  630 878

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
  1 Maraykanka 16,9   milyan  198 805    1 621 308 091
  2 Hindiya 9,90   milyan    21 791       353 143 746
  3 Baraaziil 6,92   milyan    27 419       526 181 945
  4 Ruushka 2,68   milyan    27 328       450   47 391
  5 Faransiiska 2,39   milyan      3 063       371   58 282
  6 Ingiriiska 1,869  milyan    20 263       232   64 402
  7 Turkiga 1,866  milyan    29 617       229   16 646
  8 Talyaaniga 1,85    milyan    12 030       491   65 011
  9 Spain 1,76    milyan      7 967       129   48 013
10 Arjantiin 1,50    milyan      5 062        275   41 041
11 Kolombiya 1,43    milyan      8 742       142   39 195
12 Jarmalka 1,35    milyan     18 658        481   22 887
13 Meksiko 1,25    milyan       8 608        249  113 953
14 Poland 1,14    milyan       4 863          96    22 960
15 Iiraan 1,11    milyan       7 501        251    52 447

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS