Xildhibaan MP Suldaan Said Ahmed (Vas.) oo mooshin uu Baarlamaaanka Finland u gudbiyay xukuumadda Finland uga dalbaday kordhinta kaalmada Bani’aadminnimada ee ay Finland bixiso iyo soo celinta dal-ku-galka bani’aadminiada

MP Suldaan Said Ahmed oo xafiiska maamulka baarlamaanka FINland ku wareejiyay dalabkiisa/su'aalihiisa qoraalka ah / 28.10.2022 Kuva-Abdi Musse Mohamud/SSMV

Xildhibaan Suldaan MP Said Ahmed ayaa qoraal rasmi ah xafiiskiisa ka soo baxay ku dalbaday, in xukuumadda haatan talada Finland haysa ee uu Xisbigiisuna ka tirsan yahay ay kordhiso kaalamada bani’aadminada ee ay bixiso.

Sidoo kale wuxuu Xildhibaanku isla qoraalkaas ku dalbaday in xukuumaddu ay dib u soo celiso Visa:da ama dal-ku-galka bani’aadminnimada ee ay horay dowladda Finland u siin jirtay dadka loo arko, in ay u baahan yihiin.

MP Suldaan Said ayaa qoraalkiisa ku sheegay, in xukuumadda xilligan talada dalka haysa ay qaadday tallaabooyin badan oo dhanka wanaagga ah oo lagu horumarinayo mas’uuliyadda Finland ka saaran dunida.

Xildhibaanka ayaa sheegay, in marka la barbardhigo xukuumaddii hore ay xukuumaddan kordhisay lacagta horumarinta iyo caawimaadda bani’aadminnimada ee ay Finland bixiso, in tirada qoxootiga qawiman ee ay Finland dunida ka soo qaaddo ay kordhisay, in xukuumaddan ay xoogga saartay hawlaha nabadaynta iyo dhexdhexaadinta ee ay Finland caanka ku tahay iyo in sidoo kale ay kodhisay lacagta loo adeegsanayo hawlaha looga hortegayo isbeddelka cimilada.

Si kastaba ha ahaatee, Xildhibaan Suldaan ayaa qoraalkiisa rasmiga ah ku sheegay, in loo baahan yahay, in wax badan la qabto, si loo fududeeyo culeyska iyo dhibaatada bani’aadminnimo ee duniada ka jirta islamarkaasna loo hirgeliyo xuquuul insaanka.

Dadka wajahaya xadgudubyada xuquuqul insaanka nidaamka la xiriira iyo kuwa xasaradaha iyo rabshadaha bartanka kaga jira ayuu xildhibaanku sheegay, in ay mudan yihiin in loo fidiyo wadiiqooyin ka badan kuwa hadda jira oo lagu caawinayo. Waxaa kale oo uu xildhibaan soo jeediyay, in meesha ugu horreysa ee dadkaas lagu caawinayo ay noqoto goobta ay deggan yihiin.

Xildhibaan MP wSuldaan Said Ahmed ayaa ugu dambeyntii dalabkiisa qoraalka ah oo qaab su’aal ah u dhigan sidan u qoray: –

 

– Wasaaradda arrimaha dibadda Finland ayaa haatan diyaarinaysaa dib u habayn buuxda oo lagu samaynayo sharciga ajnabiga waxaa kale oo ay wasaaraddu ka baaraandegeysaa suurtaggalnimada dal-ku-galka bani’aadminnimada ku salaysan.

Si kastaba ha ahaatee, waa wax aan loo adkaysan karin, in marka laga hadlayo hirgelinta xuquuqda aasaasiga ah ee shakhsiga, aanay Finland wakhtigan hadda la joogo bixin magangelyada bani’aadminnimada ama dal-ku-galka bani’aadminnimada ku salaysan.

Anigoo ku salaynaya arrimaha kor ku xusan islamarkaasna tixraacaya qodobka 27:aad ee sharciga habraaca nidaamka shaqada baarlamaankaa, waxaan wasiirka ay arrintan quseyso u soo gudbinayaa, in uu ka jawaabo su’aalahan soo socda:

Miyeey xukuumaddu ku talajirtaa in ay kordhiso tirada lacagta horumarinta loogu talaggalay, si hab xooggan islamarkaasna wakhti ahaan ku habboon caawimaadda bani’aadminimada loo gaarsiiyo dhibanayaasha xasaradaha iyo rabshadaha, miyeey sidoo kale

xukuumadda ku talajirtaa dedejinta diyaarinta dal-ku-galka bani’aadminnimada ku salaysan, si ay u hirgasho fursadda iyo xaqa ay dadku u leeyihiin codsashada magangelyada?

Left Alliance MP Suldaan Said Ahmed demands an increase in humanitarian aid

Dalabka iyo su’aalaha qoraalka ah ee uu Xildhibaan MP Suldaan Said Ahmed u gudbiyay xuluumadda isagoo u sii marinaya Xafiiska Maamulka Baarlamaanka Jimcihii la soo dhaafay (28.10.2022) ayaa noqday mid si weyn ay warbaahinta Finnishku wax uga qoreen.

Qaar kamid ah warbixinnada ay warbaahintu ka qortay dalabka iyo su’aalaha qoraalka ah ee MP Suldaan halkan ka akhriso:

Kuva/Facebook/Suldaan Said Ahmed

MP Suldaan ayaa noqonaya mid kamid ah xildhibaannada Finland ugu shaqada badan. Waxaa kale oo xusid mudan in Xildhibaanka oo muddo kooban Baarlamaanka ku jira uu safka hore uga jiro xildhibaannada ugu mooshin ama dalab gudbinta badan.

Waxaa kale oo iyaduna xusid mudan in Xildhibaan MP Suldaan Said Ahmed uu ku dhawaaqay murashaxnimadiisa baarlamaanka Finland ee dhacaysa horraanta sannadka soo socda ee 2023.

WAR DEG DEGA AH: MURASHAXNIMADA DOORASHADA BAARLAMAANKA FINLAND -2023 EE XILDHIBAAN MP SULDAAN SAID AHMED OO LAGU DHAWAAQAY

SSMV