WAR DEG DEGA AH: MURASHAXNIMADA DOORASHADA BAARLAMAANKA FINLAND -2023 EE XILDHIBAAN MP SULDAAN SAID AHMED OO LAGU DHAWAAQAY

Suldaan-Kuva Vitali Gusatinksy/MP Suldaan Said-Facebook

Waxaa maanta oo ku beggan 24:ka Oktoobar ee sannadka 2022 (24.10.2022) si rasmi ah loogu dhawaaqay murashaxnimada MP Suldaan Said Ahmed ee Golaha Sharci-dejinta Finland.

War rasmi ah oo uu MP Suldaan soo dhigay bartiisa FACEBOOK ayuu ku shaaciyay in uu qayb ka yahay islamarkaasna u sharraxan yahay doorashada baarlamaanka Finland ee dhacaysa sannadka 2023.

MP Suldaan oo hadda ah Mudane ka tirsan baarlamaanka Finland ayaa noqday taariikhda siyaasigii ama shakhsigii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee gala Baarlamaanka Finland. Waxaa kale oo iyaduna taariikh ah, in uu MP Suldaan noqday qofkii ugu horreeyay ee asal ahaan ajnabi ah ee qabta Xilka Ergeynimada gaarka ah ee nabadaynta iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Finland.

MP Suldaan Said Ahmed iyo PM Xamse Abdi Barre/ MP Suldaan oo ku jira mid kamid ah safaraddiisi shaqada ee Geeska Afrika

MP Suldaan waa siyaasi da’yar, bulshada ku dhexjira, u dooda in dhallinyarada iyo dadka danta yar, gaar ahaan dadka dalka u soo guuray ay helaan fursado ay si buuxda uga mid noqon karaan bulshada Finnishka ah.

MP Suldaan waxay dad badan ku xusuustaan sidii uu u-barbar-joogsaday shaqaalaha daryeelka caafimaadka iyo adeegyada bulshada ka shaqeeya, kolkii ay u dibadbaxyaeen xuquuqdooda aasaasiga ah.

Xildhibaan Suldaan/mudaaharaadka shaqaalaha caafimaadka/Photo Suldaan

Xildhibaan Suldaan wuxuu xilligaas ka soo horjeestay sharci xadaynayay xuquuqda shaqo-joojinta ee ururada shaqaalaha iyo shaqaalaha ururadaas xubnaha ka ah, sharcigaas oo ay wadday xukuumadda Finland ee uu Xisbigiisu xubinta ka yahay

MP Suldaan ayaa xilligaas sheegay, in inkastoo uu xisbigiisu xubin ka yahay xukuumadda Finland aanu damiirkiisu siinayn, in shaqaalaha lafdhabarka u ah nololwanaagga Shacabka Finland ee caafimaadka ka shaqeeya uu ka soo horjeesto una codeeyo sharciga xadaynaya xuquuqdooda aasaasiga ah.

Wararka ku saabsan murashaxnimada MP Suldaan Said Ahmed ee doorashada baarlamaanka Finland ee sannadkan 2024 halkan Ayaan idinkula wadaagi doonnaa IA.
SSMV