Wararka feyruska korona ee Finland iyo caalamka intiisa kale

 

Finland waxaa laga helay 213 qof oo cusub oo qaba feyruska korona

 Axad 15.11.2012. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 213 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 19 315 qof.

Laba toddobaad gudahood ayaa lagu diiwaangeliyay 3 024 qof, kuwaasoo 157 qof ka badan tiradii la helay labadii toddobaad ee ugu dambaysay. Meelaha ugu badan ee laga helayo faafista feyruska waxaa wali ah magaalada Helsinki iyo gobolkan Uusimaa oo laga helay 162 xaaladood oo cusub.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ku jira 58 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 15 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran. Sida ay shalay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga tirada dhimashada maraysaa 369 qof.

Illaa iyo 26 magaalo ayaa laga soo sheegay xaaladaha cusub ee faafista feyruska ah, Helsinki: 66 qof, Vantaa: 43 qof, Espoo: 31 qof, Turku: 11 qof, Oulu: 9 qof, Hyvinkää:7 qof, Kouvola: 6 qof, Vihti: 6 qof, Nurmijärvi: 4  qof, Mikkeli: 4 qof, Kemi: qof, Joensuu: 3 qof,  Pori: 2 qof, Järvenpää: 2 qof, Tornio: 2 qof, Rauma: 2 qof, Sipoo: 2 qof,  Kauniainen, Uusikaupunki, Kokkola, Kuopio, Kruunupyy, Imatra , Tampere, Lieto, Hämeenlinna oo min 1 qof ah.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

13 714 236 53 927 158
 

Tirada u dhimatay feyruska

318 795 1 301 431

 Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 11,2   milyan   157 253   1 260 251 256
2 Hindiya 8,81   milyan    41 659       449 129 674
3 Baraaziil 5,84   milyan    29 463       727 165 673
4 Faransiiska 1,95  milyan    32 095       354    44 246
5 Ruushka 1,90  milyan    22 702       391     32 834
6 Spain 1,49   milyan    21 371       308     40 769
7 Ingiriiska 1,34  milyan     26 860        462     51 766
8 Arjantiin 1,30   milyan        8 468        262      35 307
9 Kolombiya 1,19   milyan        8 307        160      33 829
10 Talyaaniga 1,14   milyan      37 255        544      44 683
10 Mexico 1,003  milyan        5 860        635      98 259
Xigasho : YLE, HS, Aljazeera, Worldmeter