Finland waxaa laga helay maanta 632 xaaladood oo feyruska korona ah

Sabti 20.02.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 632 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 53 285 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay waxaa tirada faafista cudurka ay noqotay 6 023 qof qof, taasoo 1 095 qof ka badan labadii toddobaad ee ka sii horreeyay. Tirada dadka laga helay feyruska ee maanta ayaa ah tii ugu badnayd ee hal maalin la helo, tan iyo intii cudurka safmarka ah uu ka bilowday Finland.

Iskudarka guud illaa iyo 76 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 330 qof, waxaa ku xiga gobolka Satakunta oo laga helay 92 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo 77 qof laga helay iyo gobolka Vaasa oo laga helay 25 qof.

Magaalada Tirada faafista cudurka Magaalada Tirada faafista cudurka
Helsinki 171 Sipoo 4
Vantaa 66 Kurikka 4
Pori 64 Porvoo 4
Turku 42 Kerava 4
Espoo 35 Ilmajoki 4
Lappeenranta 20 Nurmijärvi 4
Rauma 17 Kaarina 3
Vaasa 12 Hämeenlinna 3
Närpiö 11 Lohja 3
Tuusula 10 Kotka 3
Järvenpää 9 Heinola 3
Jyväskylä 9 Hyvinkää 3
Huittinen 8 Rantasalmi 3
Kauniainen 8 Tampere 3
Oulu 8 Pornainen 3
Pukkila 6 Laitila 2
Uusikaupunki 6 Sastamala 2
Lieto 5 Raasepori 2
Masku 4 Jämsä 2
Kirkkonummi 4 Riihimäki 2
Paimio 4 Kemi 2
Mikkeli 4 Pieksämäki 2
Asikkala 2 Kuopio 2
Kouvola 2 Maarianhamina 2
Mynämäki 2 Naantali 1
Pöytyä 1 Eura 1
Kemijärvi 1 Maalahti 1
Kempele 1 Pello 1
Eurajoki 1 Pyhtää 1
Alavieska 1 Kokkola 1
Kuusamo 1 Laihia 1
Kruunupyy 1 Sauvo 1
Nokia 1 Salo 1
Hausjärvi 1 Kalajoki 1
Ylöjärvi 1 Säkylä 1
Iisalmi 1 Kangsala 1
Parainen 1 Inari 1

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 141 qof sida ay sheegtay hay’adda THL,  kuwaasoo 24 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah, taasoo macnaheedu yahay in toddobo maalmood gudahood ay ku darsantay 6 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 726 qof, kaddib dhimashada hal qof oo cusub oo ay sheegtay manta hay’adda THL, waxaana toddobo maalmood gudahood ku darsantay tirada dhimashada 16 qof.

 

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 524 qof, kuwaasoo 501 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 22-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 ah nooca cusub ee Baraaziil.

Dowladdu waxaa ay soo saartay saddex heer oo kala duwan oo feyruska cusub ee korona xaaladdiisa la xiriirta, si looga hortago faafistiisa. Finland waxaa ay haatan ku jirtaa heerka 1-aad. Heerka 2-aad waxaa la galayaa marka ugu yaraan kala badh gobollada dalku ay galaan heerka ugu sarreeya ee faafista feyruska. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa ay dowladdu dalka gelinaysaa xaalad degdeg ah, waxaana la soo rogayaa bandow xagga socodka ah.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 262 145 qof (19.2).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunka oo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

       36 265 308     111 333 461
                824 743           2 465 542

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 28,603,813    78 640    2 428  507 746
2 Hindiya 10,976,776    14 587       117  156 240
3 Baraaziil 10,081,693    51 067    1 345  244 955
4 Ruushka   4,139,031    13 433       470    82 396
5 Ingiriiska   4,095,269    12 027       533  119,920
6 Faransiiska   3,560,764    24 116       409    83 964
7 Isbeyn   3,133,122    11 435       397    67 101
8 Talyaaniga   2,780,882    15 479       348    95 235
9 Turkey   2,624,019      7 419         82    27 903
10 Jarmalka   2,381,259      9 050        571    68 118
11 Kolombiya   2,217,001      4 476        177    58 511
12 Arjantiin   2,054,681      7 886        143    51 000
13 Meksiko   2, 022,622      9 099     1 047  178 108
114 Poland   1,623,217      8 776        241    41 823
15 Iiraan   1,558,159      8 017          77    59 341
16 Konfur-Afrika   1,500,677      1 911        151    48 859
17 Ukriane   1,293,672      6 531        120    24 972
18 Peru   1,269,523      7 719        201    44 690
19 Indonesia   1,263,299    10 614        183    34 152
20 Czechia   1,135,129    11 694        154    19 006
21 Netherlands   1,0474,400      4 726          49    15 138

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS