Finland waxaa laga helay maanta 254 qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo 3 xaaladood oo dhimasho cusub ah

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

JImco 07.05.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 254 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 88 332 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 2 988 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 56 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay112 qof,  gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 76 qof, iyo gobolka Pirkanmaa oo  laga helay 17qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 70
Salo 37
Turku 24
Espoo 23
Lahti 13
Tampere 11
Vihti 5
Rauma 5
Kokkola 4
Tuusula 4
Nurmijärvi 4
Kangasala 3
Masku 3
Uusikaupunki 3
Nokia 2
Parainen 2
Harjavalta 2
Kirkkonummi 2
Kauniainen 2
Järvenpää 2
Oulu 2
Mäntsälä 2
Lapinjärvi 2
Raiso 2
Maarianhamina 2

 

Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 133 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  28 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 922 qof, kaddib markii hay’ada THL ay sheegtay maanta dhimashada 3 qof oo hor leh. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 17 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 5 946 oo qof, kuwaasoo 4 924 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 1 020 waa nooca Koonfur-Afrika iyo 2 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 07.05).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 1 869 566 oo qof (07.05).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

Adduunkoo dhan Qaaradda Yurub
Tirada feyruska laga helay 156 827 756 51 069 816
Tirada u dhimatay feyruska 3 272 484 1 084 657

 

Qaaradda Afrika Qaaradda Aasiya
Tirada feyruska laga helay 4 649 056 42 485 285
Tirada u dhimatay feyruska  123 937 552 523

 

Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka ay xaaladda ugu badan ee faafista feyrusku  ka jirtay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
Hindiya 21,485,285   414 433    3 920  234 071
Baraaziil 15,099,033     72 599    2 531  417 176
Turkiga  4,977,982     22 388       304    42 187
Jarmalka  3,486,462     17 014       218    84 811
Arjantiin  3,095,582     24 086       398    66 263
Kolombiya 2,951,101     1 4906       399    76 414
Iiraan 2,610,018     18 409       338    73 906
Faransiiska 5,728,090     27 712       219   105 850

 

 Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka waqooyiga Yurub, dalka Sucuudiga oo arrimaha xajka iyo cumrada loo aado iyo dalkeenna Soomaaliya

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
28 Sweden 1,007,792    5 712     14 137
63 Denmark 256,482    1 012     1    2 493
88 Norwey 115,411    506           767
159 Iceland  6 500    3              29
42 Saudi-Arabia  423,406    1 090     14     7 032
133 Soomaaliya  14 368    247     24       745

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS