Wararka Korona iyo maanta

Finland waxaa laga helay 39 qof oo cusub oo qaba feyruska korona

 Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Khamiis 3.9 2020 laga helay feyruska korona 39 qof oo cusub oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa gaareysa 8200 qof.

Faafista cusub ee cudurka toban ka mid ah waxaa laga helay magaalada Jyväskylä, sagaalna Helsinki, halka lixda kalena laga helay Espoo.

Daryeelka isbitaalka waxaa ku jira 9 qof, kuwaasoo 2 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta xaaladda degdegga ah. Hal qof ayaa ku soo biirey maanta qeybtan xaaladda degdegga ah halkii shalay uu qof kaliya kau jiray.

Dadka u dhintay feyruska korona ee dalkaan Finland waa 335 qof.

Ablikeeshinka koronavillku oo keenay in dadka finishka ah ay soo iibsadaan telefoonnada noocyadii ugu dambeeyay ee farsamada sare leh

 Ablikeeshinka cusub ee koronavilkku ayaa keenay in dadka finishka ah ay raadsadaan telefoonnada noocyadii ugu dambeeyay ee farsamada sare leh, waayo dad badan ayay u suurtoobi weyday in ay soo dejistaan ablikeeshinka, sababtoo ah telefoonnada noocyadii hore ee ay haysteen awgeed.

Wargeyska Helsingin Sanomat ayaa sheegay talaadadii in boqolaal kun oo finish ah aysan soo degsan karin ablikeeshinka cusub sababtoo ah nidaamka isticmaalka ee telefoonka oo ah mid duq ah oo aan teegereyn in telefoonka lagu soo dejiyo ablikeeshinka, ama waa telefoonnada cusub ee shirkadda Huawei ee dalka shiinaha, taasoo Maamulka Trump uu saaray cunaqabatayn.

Dukaammada tafaariiqleyda ah ayaa sheegay in macaamiisha dukaanka ka soo raadsanaysa telefoonnada casriga ah ee farsamada leh ay kordheen maalinkii Talaada, oo ahayd maalin kaddib markii hay’adda THL ay soo saartay ablikeeshinka cusub.

Maroko

Wasaaradda caafimaadka ee Maroko ayaa sheegtay in 37 qof oo hor leh ay maanta u dhinteen feyruska korona, iyadoo 1402 qof oo hor lehna uu ku dhacay, waxaana ka bogsaday 886 qof.

Bayaan ay wasaaraddu soo saartay ayay ku sheegtay in tirada guud ee dadka uu ku dhacay feyruska ee dalkaas Maroko ay gaarayso 66 kun 855 qof, iyadoo 1253 ka mid ah dadkaasna ay u dhinteen cudurka, 51 kun 223 qofna ay ka bogsadeen.

 Maraykanka

Sida laga soo xigtay hay’adda la dagaallanka iyo ka hortagga cudurada faafa ee Maraykanka, tirada dhimashada feyruska korona ayaa kor u kacday, waxaana ku darsantay 1009 qof, taasoo tirada guud ee u dhimashada cudurka ka dhigaysa 185 kun 92 qof.  Xaaladaha faafista cudurkuna waxaa ay kor u dhaaftay 6 malyan 87 kun iyo 403 qof.

Faransiiska

Wasaaradda caafimaadka ee Faransiiska ayaa sheegtay in afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay 7000 oo qof oo hor leh laga helay feyruska korona.  Waana maalinkii labaad oo tirada dadka laga helay feyruska korona ay si aad ah kor ugu kacdo.

Sida wasaaraddu sheegtay waxaa sidoo kale kor u kacay tirada dadka u baahan daryeelka isbitaalka, iyo sidoo kale dadka la geeyay qeybaha xaaladaha aadka u adag.

Turkiga

Dalka turkiga waxaa afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay u dhimatay feyruska korona 49 qof, taasoo tirada dhimashada ee guud ka dhigeysa 6511 qof. Waxaana 1041 qof ay xanuunka dartiis u galeen qeybta xaaladaha aadka u adag.

Sida wasaaradda caafimaadku sheegtay waxaa ka bogsaday xanuunka dad tiradoodu gaarayso 248 kun 87 qof.

Ingiriiska

Sida ay bayaan ku soo saartay wasaaradda caafimaadka ee Ingiriiska waxaa laga helay feyruska 1735 qof o hor leh, waana tiradii ugu badnayd ee muddo afar maalmood ah laga helo feyruska tan iyo 4 bishii Juun ee sannadkaan.

Waxaana xukuumaddu ay sheegtay in maalin walba ay cudurka korona u dhintaan dad lagu qiyaasay illaa iyo 13 qof.

Yaman

Dalka Yaman waxaa laga helay feyruska 1976 qof. Waxaanan ku jirin tiradas dadka feyrusku ku dhacay ee ku sugan goobaha ay ka taliyaan xuutiyiinta, kuwaasoo sheegay in illaa iyo 18 Juun laga helay  feyruska korona 4 qof oo kaliya, hal qofna uu u dhintay.

Dalka Yaman waxaa kor u kacay tirada dhakhaatiirta u dhimatay feyruska korona, taasoo gaartay 60 dhakhtar, waxaana ugu dambeeyay maamulihii jaamacadda caafimaadka ee magaalada Taciz.

Ciraaq

4755 qof oo hor leh oo feyrusku ku dhacay

74 qofna waa ay u dhinteen

Tirada guud ee dadka uu ku dhacay feyruska korona waa 247 kun 39 qof

Tirada guud ee dhimashada 7275 qof

Waxaana ka bogsaday 187 757 qof

Baraaziil

 Tirada guud ee dadka uu ku dhacay feyruska korona waa 4 milyan

Tirada guud ee dhimashada 123 780  qof

Waxaana ka bogsaday 3,39 milyan qof

Sucuudiga

 833 qof oo hor leh oo feyrusku ku dhacay

26 qofna waa ay u dhinteen

Tirada guud ee dadka uu ku dhacay feyruska korona waa 318 kun 319 qof

Tirada guud ee dhimashada 3982 qof

Waxaana ka bogsaday 293 964 qof

Kanada

 Tirada guud ee dadka uu ku dhacay feyruska korona waa 131 941 qof

Tirada guud ee dhimashada 9182 qof

Waxaana ka bogsaday 116 866 qof

 

Isha warka / Yle, MTV 3,  Helsingin sanomat, Aljazeera