18 iskuul iyo 11 xannaano carruur ah oo magaalada Espoo ayaa karantiil la geliyay

Sabti 04.09.2021. War ay soo saartay magaalada Espoo ayaa shaaca ka qaaday in arday gaaraysa 800 oo ka tirsan iskuullada iyo xannaanooyinka magaalada Espoo ay u nuglaadeen feyruska korona, lana geliyay karantiil.  Waxaa u nuglaantaas sababay 28 qof oo laga helay feyruska korona.

Xannaanooyinka waxaa laga helay 13 xaaladood oo ka dhacday 11 xannaano oo kala duwan. Waxaana sababtaas awgeed karantiil la geliyay 200 oo arday.

Warbixintaan waxaa lagu soo qoray bogga magaalada Espoo, inkasta oo aan dhammaan magacyada iyo xannaanooyinka magacyadooda lagu soo qorin, iyadoo la ilaalinaayo waxyaabaha u gaarka ah goobahaas.

Ujeeadada laga leeyahay karantiilka waa in laga hortago faafista cudurrada, haddii qofka karantiilka la geliyay uu xanuunsado. Xilliga karantiilka waa 14 maalmood.