Finland waxaa laga helay maanta 154 qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo hal xaalad oo dhimasho hor leh ah

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Jimco 14.05.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 154 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 89 686 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 2 878 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 41 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 90 qof,  gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 21 qof, iyo gobolka Keski-Pohjanmaa oo laga helay 11qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 29
Vantaa 28
Espoo 19
Raisio 8
Eura 7
Kokkola 7
Turku 5
Salo 4
Lappeenranta 3
Kotka 3
Mikkeli 3
Tampere 3
Hyvinkää 3
Oulu 4
Järvenpää 3
Kouvola 3
Lahti 2
Inkoo 2
Järvenpää 2
Kannus 2
Haapajärvi 2
Oulu 2

 

Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 122 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  28 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 931 qof, kaddib markii ay hay’adda THL maanta sheegtay dhimashada hal qof oo hor leh. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 19 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 6 424 oo qof, kuwaasoo 5 265 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 1 132 waa nooca Koonfur-Afrika iyo 2 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 12.05).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 2 031 941 oo qof (14.05).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

  Adduunkoo dhan Qaaradda Yurub
Tirada feyruska laga helay 161 923 385 51 828 641
Tirada u dhimatay feyruska 3 360 908 1 102 543

 

  Qaaradda Afrika Qaaradda Aasiya
Tirada feyruska laga helay 4 708 638 45 697 456
Tirada u dhimatay feyruska  125 938 591 985

 

Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka ay xaaladda ugu badan ee faafista feyrusku  ka jirtay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
Hindiya 24,046,120   343 288    3 999  262 350
Baraaziil 15,436,827     75 141    2 340  430 596
Faransiiska 5, 841,129     19 461       131  107 250
Arjantiin 3,242,103     26 531      447    69 254
Kolombiya 3,067,879     19 160      449    79 760
Jarmalka 3,575,644     17 496      267    86 276

 

Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka waqooyiga Yurub, dalka Sucuudiga oo arrimaha xajka iyo cumrada loo aado iyo dalkeenna Soomaaliya

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
28 Sweden 1,037,126    3 852      14 239
63 Denmark 263,514    1 355     2    2 499
88 Norwey 118,315    774           774
159 Iceland  6 526                  29
42 Saudi-Arabia  430,505   1 116     11     7 122
133 Soomaaliya  14 486             753

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS