Finland waxaa laga helay maanta 302 qof oo uu ku dhacay feyruska korona ah

Axad 04.04.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 422 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 79 396 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 7 753 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa 62 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 172 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 44 qof, iyo gobolka Kymenlaakso oo laga helay 23 qof.  

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 63 Naantali 2
Espoo 44 Pornainen 2
Vantaa 36 Kuopio 2
Turku 29 Salo 2
Kotka 14 Kustavi 2
Vaasa 7 Loviisa 1
Lappeenranta 6 Hyvinkää 1
Tampere 6 Parikkala 1
Jyväskylä 6 Laukaa 1
Lahti 6 Närpiö 1
Kouvola 6 Muurame 1
Nurmijärvi 5 Eurajoki 1
Oulu 5 Jämsä 1
Forssa 3 Raasepori 1
Tuusula 3 Joutsa 1
Hamina 3 Riihimäki 1
Raisio 3 Pudasjärvi 1
Sipoo 3 Pirkkala 1
Porvoo 2 Säkylä 1
Kauniainen 2 Somero 1
Kerava 2 Savonlinna 1
Rovaniemi 2 Masku 1
Koski Tl 2 Järvenpää 1
Joensuu 2 Karkkkila 1

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 264 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  52 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 846 qof. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 41 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 2 700 oo qof, kuwaasoo 2 474 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 225-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 973 876 oo qof (04.04)

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
Tirada feyruska laga helay 44 429 275  131 468 234
Tirada u dhimatay feyruska 967 401  2 861 275

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS