Soojeedintii guud ee isticmaalka af-shareerka ee Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga Finland (THL) oo laga laabtay

War ka soo baxay Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) 14.4.2022 ayaa lagu sheegay in THL ay meesha ka saartay soojeedintii guud ee la xiriirtay isticmaalka af-shareerka.

Si kastaba ha ahaatee, soojeedinta ka soo baxday THL m ahan mid quseysa oo toos u saamaynaysa goobaha shaqada iyo xaaladaha ay shaqaaluhu ku shaqeeyaan ee uu isticmaalka af-shareerku ku salaysanyahay badbaadaa shaqada iyo ammaanka macaamiisha.

Waxaa kale oo iyana meesha ku jirta, in deegaan kasta uu leeyahay soojeedinno iyo awaamiir u gaar ah oo la xiriirta isticmaalka af-shareerka.

Daryeelka caafimaadka iyo sooshalku waxay leeyihiin habraacyo iyo soojeedinno iyaga u gaar ah oo la xiriirta isticmaalka af-shareerka iyo agabyada kale ee gaashaan ahaan loo isticmaalo.

Arrintan ayaa ku soo aadayso xilli xawaaraha uu ku socdo safmarka Korona aanu weli yaraan, laakiin ay muuqato in dadka iyo dowladduba aanay sidii hore si lamid ah uga welwelsanayn waxyeellada caafimaad, dhaqaale iyo dhaqan ee ka dhalan karta safmarka Korona.

Isha warka: THL