Finland waxaa laga helay maanta 145 qof oo uu ku dhacay feyruska korona

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Jimco 25.06.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 145 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 94 719 qof.

Meelaha ugu badan ee feyruska laga helay waa Gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo ah caasimadda hareeraheeda, waxaana laga helay 91 qof, waxaa ku xiga gobolka Päijät-Häme oo laga helay 11 qof iyo gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 10 qof.

Sida uu sheegay wargayska Helsingin Sanomat, xaaladaha feyruska korona ee laga kala helay magaalooyinka dalkaan Finland ayaan maanta la sheegi karin, sababtoo ah cillad farsamo oo ku timid barnaamijkii tirakoobista ee hay’ada THL.

 

Madaxa warbaahinta u qaabisan THL Marko Lähteenmäki ayaa u xaqiijiyay telefishinka YLE ee dalkaan Finland in cilladaas farsamo ay jirto. Waxaana uu intaa raaciyay in la filayo in barnaamijka la cillad bixiyo ugu horayn Isniinta soo socta.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 33 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 5 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 969 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 9 139 oo qof, kuwaasoo 7 423 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska ee haatan loo bixiyay Alfa, halka 1 410 waa nooca Koonfur-Afrika oo haatan loo bixyay Beeta, Nooca Hindiga oo ah 301 oo haatan loo bixiyay Delta, iyo 5 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil, oo haatan loo bixiyay Gamma. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 23.06).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 3,2 milyan oo qof, labada tallaalba waxaa loo dhammaystiray oo qaatay ku dhawaad 954 000 oo qof (24.6.).

Xigasho: YLE,HS