Wararka feyruska korona Finland iyo caalamka intiisa kale

Finland waxaa laga helay 241 qof oo cusub oo qaba feyruska korona.

Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Khamiis 15.10.2020 laga helay feyruska korona 241 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa gaareysa 12 944 qof.

Meelaha ugu badan ee ee cudurku aadka ugu faafayo waa magaalooyinka Helsinki iyo gobolka Uusimaa oo laga helay 121 qof oo cusub (Helsinki 67, Espoo 25 iyo Vantaa 15) iyo Vaasa oo laga helay 34 qof oo cusub. Sidoo kale waaxda caafimaadka ee bartamaha Finland ayaa iyagana laga helay 35 qof oo feyruska qaba.

Tirada dadka laga helaayo feyruska ee dalkaan Finland ayaa bishii la soo dhaafay illaa iyo horaanta bishaan si aad ah u soo kordheysay, Sidoo kale hay’adda THL ayaa sheegtay in tirada dadka ku jira daryeelka isbitaalka ay labanlaabantay, marka loo barbardhigo xaaladda bishii Sebtember ee la soo dhaafay.

Dadka ugu badan ee feyrusku uu ku dhacay ayaa ah dhalinyarada. Toddobaadkii la soo dhaafay in ka badan 80% dadka laga helay feyruska waxaa ay da’doodu ka yarayd 50 sano jir, in kudhow 60% waxaa ay ahaayeen dhalinta dad’doodu ka hooseyso 30 sano.

Meelaha ugu badan ee toddobaadkan cudurku uu aadka ugu faafay waa Helsinki iyo gobolka Uusimaa, iyo sidoo kale agagaarka Vaasa.

Dowladda oo soo saartay talooyin iyo xadeyn ku saabsan munaasabadaha guud iyo kuwa gaarka ah

Wadahadalkii ay maanta yeesheen golaha dowladda ayay ku soo saareen talooyin iyo xadaymo la xiriira sidii looga hortagi lahaa faafista feyruska korona oo si xawli leh u socda. Waxaana talooyinkaas iyo xadaymahaas ay isugu jiraaan kuwo heer qaran ah iyo kuwo heer gobol ah. Iyadoo go’aan madbda’eedka talooyinkaas lagu gaari doono fadhiga guud ee golaha dowladda ee toddobaadka soo socda ay yeelan doonaan.

Wasiirka dhaqanka ee dalkaan Finland Annika Saarikko ayaa sheegtay in golaha wasiirradu ay talo ahaan ku soo jeedinayaan in lagu dadaalo masaafada la isu jirsanaayo iyo nadaafadda caafimadka ee gacamo dhiqista, inta la joogo goobaha guud ee la isugu yimaado.

Cadadka dadka halkii mar ka qaybqaadan kara munaasabadaha guud ayaa lagu talinayaa in ay noqdaan kala bar sidii caadiga ahayd. Waxaana xaaladdan adag ee lagu jiro la soo jeedinayaa in la joojiyo munaasabadaha guud.  Sidoo kale waxaa dowladdu ay taloahaan ku soo jeedisay in munaasabadaha gaarka aanay dadku ku kulmi karin wax ka badan 10 qof, maadaama xanuunkan safmarka ah uu marayo heerkiisii faafista.

Waxaa kaloo dowladdu ay soo jeedisay in la joojiyo goobaha gudaha ee ay isugu yimaadaan kooxha hiwaayadda ee noocyada kala duwan ee isboortiga, waayo waxaa aad u badan khatarta ah in cudurku uu goobahas si fudud ugu faafo, maadaama ay adag tahay in la kala fogaado, waxaana tusaale ahaan goobahaas ka mid ah kooxha isboortiga.

Dhinaca waxbarashada iskuullada waxaa loo daayay go’aan ka gaaristooda maamullada gobollada, waxaana ay ku sii socon doontaa sida ay haatan tahay, iyadoo la eegi doono hadba xaaladda iskuulka ka jirta. Wasiirka waxbarashada Li Andersson  ayaa waxaa ay carrabka ku adkaysay muhiimadda ay leeyihiin  caafimaadka nadaafadda gacmaha iyo qaadashada afshareerka marka iskuulka la joogo.

Wasiirka degmooyinka Sirpa Paatero ayaa sheegtay in lagu talinaayo dalka oo dhan in shaqada laga wado dhanka internetka illaa iyo amar dambe, waxaana arrinkaas mar labaad dib loo eegi doonaa dhammaadka sannadka.

Talooyinkaan ay golaha wasiirradu soo jeediyeen ujeedada laga leeyahay ayay ku tilmaameen in ay tahay, in aanay imaanin sababo keeni kara in dalka oo dhan bandow la geliyo.

Golaha wasiirradu waxaa ay sheegeen in xaaaladda cudurka ee dalka Finland ay haatan tahay mid aad u daran, laakiin guud ahaan arrimuhu ay yihiin kuwa gacanta ku jira oo si wanaagsan loo maareynayo.

Ra’iisulwasaaraha oo soo afjartay murankii u dhexeeyay dowladda iyo mucaaradka ee ku saabsanaa talosoojeedinta afshareerka

Murankii aad u xoogga badnaa ee u dhexeeyay dowladda iyo mucaaradka, kuna saabsanaa mowqifkii ay dowladdu ka qaadatay afshareerka gu’gii la soo dhaafay, kaasoo beryahan xoog u haystay baraha bulshada iyo warbaahinta kala duwan, ayaad mooddaa in uu soo afjarmay, kaddib markii Ra’iisul wasaaraha dalka Sanna Marin ay sheegtay in dhankeeda arrinkaas caddeyntiisa ay ka soo dhammaatay.

Mucaaradka ayaa ku eedeeyay dowladda in ay dayaceen arrinka ku saabsan soo jeedinta qaadashada afshereerka, islamarkaana ay ka been sheegen, kuna cadaadiyeen hay’adda THL in aanay soo jeedin arrinkaas.

Ra’iisuul wasaaraha Sanna Marin ayaa iyaduna arrinkaas kaga jawaabtay in uu yahay mid aan waxba ka jirin oo siyaasad lagu doonaayo, dowladeeduna ay mar kasta runta ka sheegeysay arrimaha afshareerka. Waxaana ay shalay ka codsatay Madaxa hay’adda THL caddeynta arrinkaas ku saabsan.

Maanta ayay sheegtay Ra’iisul wasaare Sanna Marin in ay madaxa haya’adda THL Markku Tervahauta ka heshay caddeynta ku saabsan argatidii afshareerka ee hay’adda THL. Waxayna sheegtay in uu u xaqiijiyay in aragtida hay’addu ay ahayd sidii ay dowladdu sheegtay gu’gii la soo dhaafay, taasoo ahayd in qaadashada guud ee afshareerka aan loo baahneyn xilligaas, sida ay sheegeen khubarada arrinkaas loo xilsaaray. Waxaan uga mahadcelnayaa jawaabta dhakhsaha  badan ee uu iga si siiyay arrinkaas ayay tiri ra’iiusl wasaare Marin. Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayaa waxaa ay tiri:”Qadiyada afshareerka ka hadalkeeda anniga dhankayga waa ay ka soo dhammaatay,” hadalkaas oo ay ugu dardaar werinayso qolyaha mucaaradka ah oo ka hadalka arrinkaan maalmahaan dambe ka dhigtay shaqo xoog leh.

Gudiga dastururka ee baarlamaanka oo hakiyay sii wadista xayiraadihii maqaaxiyaha lagu soo rogay, islamarkaana dalbaday in wax laga beddelo

 Gudiga dastuurka ee baarlaamanka dalka Finland ayaa diiday ansixinta qorshaha dowladda ee ku aaddan sii wadista xayiraadda haatan lagu soo rogay xilliga furnaanshaha ee maqaaxiyaha iyo baaraka.

Gudiga dastuurka ee baarlamaanka ayaa maanta ka hadlay sharci soo jeedinta dowladda ee arrinkaas la xiriira. Hindisaha sharciyeed ee dowladdu soo jeedisay ayaa ujeedadiisu ahayd in la sii wado xayiraadda lagu soo rogay xilliyada furnaanshaha ee maqaaxiyaha kaddib marka ay dhammaato bisha Oktoobar, xilligaasoo ay ku egtahay waqtiga kummeelgaarka ah ee sharci ahaan lagu soo rogay.

Sida ay sheegeen gudiga dastuurka baarlamaanka dhaqdhaqaaqa guud ee quud soo saarashada looma xayiri karo sida ay dowladdu u soo jeedisyay. Waayo sida ay gudiga dastuurka la tahay, sharciga haatan lagu soo rogay laftigiisa ayaa ahba mid dhibaato leh. Waxaana ay sheegeen in sharciga aan lagu xadeyn karin dhammaan howlaha maqaaxiyaha ee dalka oo dhan, waa in xayiraaddu ay noqotaa bay yiraahdeen mid ku saleysan gobol ahaan iyo nooca maqaaxidu u samaysan tahay.

Gudiga dastuurku waxaa sidoo kale ay dowladda dib ugu celiyeen nidaamka baarista feyruska ee dhanka safarka, iyagoo dalbaday in dib u eegis lagu sameeyo oo mar kale la soo diyaariyo.

Wararka guud ee Caalamka iyo feyruska korona

Qaaradda Yurub ayaa waajahaysa xaalad aad u khatar ah oo ku saabsan faafista feyruska korona, taasoo ku bixisay dalal badan oo qaaradda ka tirsan in ay soo rogaan xayiraado aad u adag.

Dalalka qaaradda Yurub ayaa kor u dhaafay dalka Marayakanka tirada maalinlaha ah ee ku dhacaayo feyruska korona. Waxaana qaaradda Yurub maalin walba laga diiwaangeliyaa in ka badan 100 000 oo qof.

Hay’adda WHO ayaa sheegtay in waddamada Ingiriiska, Faransiiska iyo Isbeyn ay yihiin saddex- geesoodka in ka badan kala bar tirada laga helay cudurka ee qaaradda Yurub, taasoo ay dhibaato xoog leh ka soo gaartay mawjadda labaad ee feyruska korona ee cagta marisay qaaradda oo dhan.

Inkastoo xaaladda haatan taagan aanay la mid ahayn tii gu’gii la soo dhaafay, haddana qaybta Yurub ee hay’adda caafimaadka adduunka WHO waxaa ay ka digtay in dalalka yurub ay ka jirto xaalad welwel leh oo cudurka safmarka korona ah, taasoo muujineysa tirada aadka u badan ee isa soo tareysa ee maalin walba laga helaayo waddamada qaarkood, sida Faransiiska, Ingiriiska, Talyaaniga, iyo Jarmalka.

Waxaana uu sheegay maamulaha qaybta Yurub ee WHO Hans Clogge, in xaaladda maalinlaha ee dadka uu ku dhacayo feyruska ee kor u sii kacaysa iyo xaaladaha daryeel u gelista isbitaalka ee  cudurku sababay, ay caddaynayaan in Korona uu noqday sababta shanaad ee  dhimashada, waxaana uu gaaray heerka ah in qaaradda ay maalin walba ku dhintaan dad gaaraya 1000 qof.

Dalka Jarmalka

Haweeynada ka talisa dalkaas Angela Merkel ayaa sheegtay ay isla qaateen iyada iyo madaxda 16 gobol oo dalkaas ka mid ah, in la soo saaro tilaabooyin aad u adag oo looga hortagaayo mowjadda labaad ee feyruska korona, iyadoo ku tilmaantay in tillaabooyinka soo socda ay ahaan ahaan doonaan kuwo aad u adag.

Hadalkaas ka soo yeeray Angela Merekel ayaa soo baxay, kaddib markii dalkaas Jarmalka laga diiwaangeliyay maanta in kabadan 6600 oo qof oo hor leh oo qaba feyruska korona, taasoo tirada guud ka dhigaysa 341 000, waxaana afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay cudurka awgiis u dhintay dalkaas Jarmalka 33 qof, waxaana tirada guud ee dhimashadu ay gaareysaa 9710 qof.

Dalka Faransiiska

Waxaa madaxweynaha dalkaasi uu shalay ku dhawaaqay in lagu soo rogay Bandow habeenkii ah oo socon doona 45maalmood magaalada caasimadda ee Paris iyo hareeraheeda, iyo sidoo kale sideed magaalo oo kale oo ka mid ah magaalooyinka waaweyn, si loo xakameeyo mowjadda labaad ee feyruska oo si aad ah ugu faaftay dalkaas.

Afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay waxaa dalka Faransiiska laga helay feyruska Korona 30 621 qof oo cusub. Waa tiro aad u badan marka loo barbardhigo Arbacdii oo tirada laha helay feyruska ay ahayd 22 591 qof. Waxaa sidoo kale sii kordhaya tirada bukaanka ee isibitaallada ku jira, waxaana buuxsamay qaybihii dadka xaaladdoodu ay aadka u daran tahay.

Dalka Faransiiska oo tirada dadkiisu ay tahay 65 milyan oo qof, waxaa cudurka feyruska korona u dhintay 33 000 qof. Khamiistii tirada cusub ee u dhimatay feyruska waxaa ay gaarayaan 88 qof.

Isbitaallada ayaa haatan ka baqaya in qaybaha daryelka aadka u darn ay buux dhaafaan, iyadoo waliba ay soo dhowdahay xilligii xanuunka infuluweensada.

Madaxa qaybta daryeelka xaaladaha aadka u daran ee isbitaalka Jaamacadda Raymond Poncaré ee ku yaalla magaalada Paris dhakhtar Djillali Annane  ayaa mar uu u warramayay Telefihsinka wararka ABC ee dalka Maraykanka, waxaa uu sheegay in xaaladda isbitaalladu ay haatan aad u sii xumaatay, waxaana ku dhownahay buu yiri, xaaladda ah in dhamaanba dadka bukaanka ah aan u wayno sariiro aan seexinno.

Dhinaca kale booliska dalka Faransiiska ayaa maanta baaritaan ku sameeyay guriga wasiirka caafimaadka Olivier Véran iyo kan ra’iiuslwasaarihii hore ee dalkaas Édouard Philippe oo isagu jagada iska casilay bishii Luulyo ee la soo dhaafay, baaritaannadaas ayaa salka ku haya tuhunno laga qabo sida ay dowladdu u maaraysay wax kaqabashada dhibaatada cudurka korona.

Arrinkaan wuxuu ka dhashay kaddib markii qaar ka mid ah dhakhaatiirta, shaqaalaha xabsiyada iyo ciidanka booliska ay gudbiyeen dacwo ka dhan ah mas’uuliyiinta dowladda oo ku saabsan in uu jiray kala dhinnaansho dhanka afshareerka iyo daawadaba.

Isla qaaradda Yurub ayaan wali ku jirnaayee waddamada Holland, Biljam, iyo Ingiriiska ayaa soo rogay xayiraado oo lagu xirayo baararka khamriga iyo maqaaxiyaha, sidoo kale bandow habeenkii ah, saacadaha shaqada oo la soo yareeyay iyo in la mamnuucay kulamada dadweynaha, kaddib markii maalmihi la soo dhaafay uu feyrusku aad ugu faafayay waddamadaas.

Ingiriiska waxaa hal maalin oo kaliya laga helay feyruska in ka badan 22 000 oo qof, waxaana ra’iisul wasaaraha dowladda Borris Johnson uu shalay ku diiday kulankii su’aal weydiinta ee ra’iisul wasaaraha , u hogaansanka  cadaadiska  ku saabsan in waddanka oo dhan la kala xiro oo bandow lagu soo rogo, isagoo arrinka diidmadiisa sabab uga dhigay dhibaatada xagga dhaqaalaha ee soo gaari karta dalka, wuxuuna ugu baaqay mucaaradka in ay taageeraan, in gobol walbaa uu sida ku haboon xaaladda faafista cudurka ee ka jirtaa uu u qaado tallaabada waafaqsan arrinkaas ee xayiraadda ah.

Dhanka kalena hogaamiyaha xisbiga shaqaalaha Ingiriiska ee mucaaradka Keir Starmer ayaa ku eedeeyay ra’iiusl wasaaraha in uu ku fashilmay wax kaqabashada dhibaatada Korona, islamarkaana uu iska indha tirey talooyinka uga imaanaayay kooxaha aqoonyahannada cilimga ee ka talinta xaaladaha degdegga ah, kuwaasoo soo jeediyay in wadanka oo dhan la geliyo xukun degdeg ah oo la kala xiro muddo laba subuuc ah.

Dalka Talyaaniga

Waxaa lagu soo rogay amarka ah in dadku ay qaataan afshareeka, kaddib markii xaaladda dadka maalin walbaa laga helaayo cudurka ay aad u soo korotay, islamarkaana ay kor u dhaaftay 7000 oo qof maalin walba.

Dalka Ruushka

Waxaa afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay laga helay feyruska in kabadan 13 000 oo qof, iyo tiro dhimasho oo gaareysa 286 qof. Tirada guud ee feyruska laga helay ee Ruushka ayaa kor ugu kacday Hal milyan 354 kun oo qof, iyado sidaas ku gashay kaalinta afaraad adduunka oo dhan, kaddib dalalka Maraykanka, Hindiya iyo Baraziil.

Dalka Isweden

Dalka isweden ee deriska la ah Finland ayaa afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay waxaa feyruska laga helay 1 075 qof. Maalin kahor waxaa ay tiradu ahayd 678 qof.

Tan iyo intii cudurka safmarka korona uu caalamka ka bilowday waxaa dalka Isweden tirada laga helay ay gaareysaa 102 407 qof.

Sidoo kale tirada dhimashada ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay ee Isweden ayaa ahayd 3 qof, taasoo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 5 910 qof.

Qaaradda Aasiya

 Wakaaladda wararka ee dalka Shiinaha (Xinhua) ayaa sheegtay in madaxii gudiga caafimaadka ee magaalada Qingdao shaqadii laga joojiyay, sababtoo ah kaddib markii xaalado feyruska korona mar kale lagu arkay magaaladaas.  Waxaana dowladda Shiinaha ay sheegtay in dad gaaraya 10 milyan oo qof oo magaaladaas deggan laga qaaday saamiga barista feyruska korona.

Dalka Hindiya

Hindiya waxaa maanta laga helay feyruska in ka badan 67 000 oo qof, waxaana tirada guud ay maraysaa 7.31 milyan, iyadoo ku dhow haatan in ay kor u dhaafto dalka Maraykanka oo kaalinta koowaad kaga jira adduunka.

Dalka Indooniisiya

Waxaa maanta laga helay feyruska in ka badan 4000 oo qof, taasoo ka dhigtay in uu kor u dhaafay dalka Filipiin oo intii muddo ah ahaa dalka laga helay tirada ugu badan ee feyruska korana ee waddamada koonfur-Bari Aasiya.

Dalka Maraykanka

Illaa iyo haatan tirada guud ee dalka Maraykanka ee laga helay cudurka Korona waxaa ay gaareysaa  8 milyan 153 000 oo qof, iyo 222 000 oo dhimasho ah, waxaana dalkaasi laga cabsi qabaa in ay ku dhufato mowajddii labaad ee feyruska korona sidii ay horeba khubaradu uga digeen.

 Dalka Kanada

Waxaa afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay laga helay 1 750 qof oo qaba feyruska, waxaana u dhintay 33 qof. Tirada guud ee dhimashada ayaa haatan maraysa 191,137 qof, iyadoo tirada dhimashaduna ay gaartay 9 697 qof. Waxaana ka bogsaday 161,115 qof.

Xigasho: YLE, HS, ALJAZEERA