Espoo oo Tallaalka afaraad ee Koronaha siinaysaa dhammaan dadka ka weyn 60 sano iyo dadka 18 sano ka weyn ee ka tirsan kooxaha cudurada u nugul

War rasmi ah oo ka soo baxay magaalada Espoo islamarkaasna lagu baahiyay bogga internetka ee magaalada ayaa lagu sheegay, in laga billaabo 1.8.2022 ay magaaladu tallaalka afaraad ee Koronaha siinayso dhammaan dadka ka weyn 60 sano iyo dadka u dhexeeya 18-60 sano ee jirrooyin ay qabaan dartood u nugul cudurka Koronaha.

Espoo ayaa bixinta tallaalka afaraad ee Koronaha ku salaynaysa soo-jeedinta Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga Finland (THL).

Qofku wuxuu tallaalka afaraad ee Koronaha qaadan karaa, marka ay saddex bilood ka soo wareegto markii uu qaatay tallaalka saddexaad.

Si loo helo tallaalka afaraad ee Koronaha, waa in la qabsadaa wakhtiga tallaalka, kaas oo la qabsan karo wixii ka dambeeya 1.8.2022.

Warkan ayaa ku soo aadaya, xilli hawl-wadeennada caafimaadku ay sheegeen in Korona aanu u muuqan mid dabar-go’aya, sidaas darteedna ay tahay in looga gaashaanto oo kaliya qaadashada tallaalkiisa.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan macluumaadyada cusub ee tallaalada Koronaha ee magaalada Espoo waxaa laga helayaa cinwaanka: espoo.fi/koronarokotus.

Isha warka: Magaalada Espoo