Finland waxaa laga helay maanta 411 qof oo cusub oo qaba feyruska korona iyo 6 xaaladood oo dhimasho hor leh ah

Arbaca 16.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 411 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 31 870 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 58 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolkan Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 200 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo 82 qof laga helay, iyo Pirkanmaa oo laga helay 34 qof.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 99 qof, Turku: 56 qof, Vantaa: 41 qof, Espoo: 31 qof, Tampere: 18 qof, Jyväskylä: 18 qof, Oulu: 10 qof, Kouvola: 7 qof, Pieksämäki: 7 qof, Lahti: 7 qof, Kaarina: 6 qof, Joensuu: 6 qof, Kerava: 5 qof, Somero: 5 qof, Lieto: 5 qof, Valkeakoski: 5 qof, Raisio: 5 qof, Tuusula: 4 qof, Hyvinkää: 4 qof, Hämeenlinna: 4 qof, Järvenpää: 4 qof, Nokia: 3 qof, Vihti: 3 qof, Kuopio: 3 qof, Kirkkonummi: 3 qof, Vaasa: 3 qof.

Xaaladda cudurkan safmarka ah ayaa aad uga soo daraysay labadii toddobaad ee ugu dambeeyay, meelaha aadka ugu daran waa Helsinki iyo Uusimaa,Varsinäis-Suomi, Päijät-Häme, Pirkanmaa, iyo gobolka Pohjois-Pohjanmaa.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 268 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 34 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 472 qof, kaddib sida ay sheegtay hay’adda THl ay 6 qof oo hor leh u dhinteen feyruska awgiis afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

21 400 312   73 952 265
 

Tirada u dhimatay feyruska

    479 797      1  644 966

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
  1 Maraykanka 17,1   milyan  201 552    3 001 311 093
  2 Hindiya 9,93   milyan    26 401       384 144 130
  3 Baraaziil 6,97   milyan    44 849       909 182 854
  4 Ruushka 2,70   milyan    26 689       577   47 968
  5 Faransiiska 2,39   milyan    11 532       428   59 072
  6 Turkiga 1,89  milyan    32 102       235   16 881
  7 Ingiriiska 1,88  milyan    18 450       506   64 908
  8 Talyaaniga 1,87    milyan    14 844       846   65 857
  9 Spain 1,77    milyan      9 452       388   48 401
10 Arjantiin 1,51    milyan      6 981       163   41 204
11 Kolombiya 1,44    milyan     10 130       161   39 356
12 Jarmalka 1,37    milyan     21 377       805   22 692
13 Meksiko 1,25    milyan       5 930       345  114 298
14 Poland 1,14    milyan       6 908       349    23 309
15 Iiraan 1,12    milyan       7 704       223    52 670

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS