Hay’adda THL maanta ma soo gudbinayso tirada dadka laga helay feyruska korona

Sabti 17.04.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga dalkaan Finland THL ayaa sheegay in aanay maanta soo gudbinaynin sidii caadiga ahayd tirada dadka laga helay feyruska korona. Sababta loo soo gudbin waayay ayay hay’addu ku sheegtay in ay tahay cillad farsamo, tasoo saamayn ku yeelatay howlaha xagga farsamada ee soo gudbinta faafista korona.

Macluumaadka waxaa la cusboonaysiin doonaa sidii caadiga ahayd Axadda 18.4. Cilladdaas farsamo ma ahan mid saamayn ku yeelanaysa hawlaha kale ee ka socda bogga internetka ee THL.

Xigasho: YLE