50 qof oo magaalada Espoo deggan ayaa la faray in ay is gooni-soocaan, sababo la xiriira inay khatar ugu jiraan cudurka Korona Feyrus

50 qof oo deggan magaalada Espoo ayaa loo diray fariimo tilmaan hagiseed oo faraya in ay iyagu si iskood ah isu gooni-soocaan, kadib markii la xaqiijiyay in qof shaqaale ka ahaa xarun lagu xanaaneeyo caruurta iyo qof kale oo soo booqday xarunta laga helay xanuunka Korona Feyrus.

Dhamaan shaqaalaha xaruntaas lagu xanaaneeyo caruurta iyo caruurtii lagu xanaaneynayay ayaa la faray in ay is-gooni-soocaan. Waalidiinta caruurtaas oo laga yaabo in cudurka la qaadsiiyay ayaa si shakhsi loogu wargeliyay xaaladda. Sidoo kale waalidiinta aan khatarta ugu jirin cudurka balse taga xarunta xanaanada caruurta ayaa sidoo kale lagu wargeliyay xaaladda.

Magaca xarunta xanaanadaas caruurta lama shaacin.

Sidoo kale, shakhsi u shaqeynayay shirkad adeeg siisa xanaanooyinka ayaa laga helay cudurka, waxaana la gooni soocay. 11 ka mid ah shaqaalaha shirkaddaas ayaa iyagana la faray in ay is gooni-soocaan.

Dadkii macaamilka la ahaa xaruntaas xanaanada ayaan la sheegin in la qabadsiiyay cudurka, balse xaaladdooda si gaar ah ayaa loola socdaa sida ay sheegtay Waaxda cudurada faafa ee magaalada.

Isha Warka: Yle News
Sawirka: Yle News