Aragtida shacabka Finland ee ka mid  noqoshada Nato oo sii xoogeysatay- 62% oo oggol in Nato lagu biiro

Sawirka anteenada iyo magca Yle- xuquuqda sawirka SSMV

Baaritaan degalka (barta) internetka uu Yle ku sameeyay oo lagu ogaanayay aragtida ay shacabku ka qabaan in wakhtigan hadda la joogo lagu biiro Gaashaanbuurta Nato ayaa waxaa ka soo baxday natiijo muujinaysa in Finnishku ay haatan u hanqal-taagayaan kamid noqoshada Nato.

Tirada dadka ka jawaabiyay xog-raadintan ayaa waxay ahayd 1378 qofood, kuwaas oo dhammaantood qaangaar ah. Dadkaas 62% ayaa ku jawaabay ”haa” oo u dhiganta ”waan oggolahay in Nato lagu buuriyo”, halka 16% ay ka soo horjeesteen ku biirista Nato. Waxaa kale oo aan iyagu su’aalo-weydiintan ”haa” ama ”maya” uga jawaabin 21%, taas oo ka dhigan in aanay weli go’aan aragtiyeed arrinkaas ka qaadan.

Natiijadan ayaa bidhaaminaysa jihada ay aragtida amniga ee shacabka Finnishku u janjeerto, taas oo la rumaysanyahay in ay ka dhalatay weerarka uu Ruushku ku qaaday Yukreyn.

Miciinsashada ay Shacabka Finnishku maciinsanayaan Nato ayaa muujinaysa in halista Ruushka laga filan karo ay tahay mid jirta oo aan indhaha laga qabsan karin.

Waxaa xusid mudan in Madaxweynaha Finland Sauli Niinistö uu dhowaan ka soo laabtay safar uu Mareykanka ku tegay, safarkaas oo ujeedkiisu ahaa sidii uu dalka Finland xiriir difaaca oo dhow ula yeelan lahaa Mareykanka.

Isha warka: Yle