Finland waxaa laga helay maanta 511 xaaladood oo feyruska korona ah

Axad 07.03.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 511 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 62 063 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 8 321 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 73 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 365 qof, waxaa ku xiga gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 34 qof, iyo gobolka Keski-Suomi oo 15 qof ah, sidoo kale gobolka Kanta-Häme waxaa laga helay 15 qof.

Magaalada Tirada faafista cudurka Magaalada Tirada faafista cudurka
Helsinki 210 Nousiainen 2
Vantaa 65 Salo 2
Espoo 47 Orimatila 2
Turku 18 Mäntsälä 2
Tampere 11 Raiso 2
Lappeenranta 9 Forssa 2
Jyväskylä 9 Lemland 2
Hyvinkää 8 Muurame 2
Lohja 7 Aura 1
Vaasa 6 Ylöjärvi 1
Lahti 6 Laittila 1
Oulu 6 Kemiönsaari 1
Pori 5 Naantali 1
Hämeenlinna 5 Heinola 1
Kerava 5 Pihtipuhdas 1
Rauma 5 Rusko 1
Mikkeli 4 Tuusula 1
Kirkkonummi 4 Mynämäki 1
Kirkkonummi 4 Hanko 1
Porvoo 4 Kotka 1
Järvenpää 3 Kouvola 1
Kuopio 3 Luumäki 1
Raasepori 3 Närpiö 1
Riihimäki 3 Iisalmi 1
Kokkola 2 Kangasnimemi 1
Savonlinna 2 Loppi 1
Äänekoski 2 Raahe 1
Nurmijärvi 2 Kankaanpää 1
Uusikaupunki 2 Jokioinen 1
Janakkala 2 Loimaa 1
Rautalampi 1 Virolahti 1
Paimio 1 Sipoo 1
Veteli 1 Hollola 1
Ylivieska 1 Ikaalinen 1
Pornainen 1 Petäjävesi 1
Pello 1 Karkkila 1
Ruovesi 1 Hausjärvi 1

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 239 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  38 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 767 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 1 295 qof, kuwaasoo 1 223 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 71-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

  • Dowladdu waxay soo bandhigtay Khamiistii 25.2 howlo cusub oo looga hortagaayo koronaha (2. uusia koronatoimia), kuwaasoo loogu talaggalay gobollada ku jira xaaladaha faafista iyo karaarqaadshada ee feyruska.
  • 8-da bisha Maarso ardayda dugsiyada dhexe, sare iyo kuwa macaahidda waxaa ay geli doonaan 3 toddobaad oo waxbarashada Internetka ah. Sidoo kale maqaaxiyaha ayaa la xiri doonaa qaar ka mid ah gobollada dalka laga bilaabo 8.3, haddii uu baarlamaanku arrinkaas anisixiyo. Waxaa kaloo dowladdu ay waddaa qorshaha ah in dalka lagu sameeyo saddex toddobaad oo jidxir ah (sulkutilasta).
  • Maamullada gobollada iyo degmooyinku waxaa ay awood u leeyihiin, in ay xiraan goobaha gaarka ah ee hiwaayadaha iyo goobaha macaamiisha, ama waxaa ay xadayn karaan cadadka macaamiisha, muddo laba toddo- baad ah.
  • Dowladda dalkaan Finland waxaa ay howlaha xadaynta u dejisay saddex heer oo kala duwan (rajoitustoimista kolme eri tasoa), si looga hortaggo nooca cusub ee feyruska korona. Waxaa ay dowladdu soo jeedisay in dalka la geliyo Heerka labaad, howlaha xadaynta feyruskana laga dhaqan geliyo gobollada ku jira heerka faafista feyruska, sidoo kale waxaa ay talo ahaan u soo jeedisay in isla howlahaas oo kale laga dhaqangeliyo gobollada ku jira heerka karaarqaadashada. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa soo socda in la soo rogi doono bandow socodka ama dhaqdhaqaaqa lagu diidaayo.
  • Haalkaan (Täältä) waxaad ka arkaysaa xaaladdii ugu dambaysay ee faafista feyruska ee magaalada aad deggan tahay iyo inta qof ee tallaalka qaadatay, sidoo kale waxaad ka arkaysaa sida xaaladda feyrusku ay u socoto Finland gudaheeda iyo adduunweynaha oo dhan. Warbixinta dheeraadka ah ee ku saabsan xaaladda gobolkaaga halkaan ayaad ka akhrisan kartaa (täältä).

Dowladda ayaa manta go’aan ku gaartay in ay baarlamaanka u gudbiso qodobo dhinaca sharciga ah oo la doonayo in lagu dhaqmo xilliga xukunka degdegga ah. Ra’iisul wasaaraha dalkan Finland Sanna Marin ayaa sheegtay in sababta howlahaan aadka culus loo qaadanaayo ay tahay xaaladda aadka u xun ee feyruska korona ee socota awgeed.

 Qodobka koowaad: waxaa uu magaalooyinka iyo degmooyinka dalka u oggolaanayaa suurtaggalnimada ah, in wixii ballamo ama qalliin daryeel ah oo aan degdeg ahayn ee hore sharciga dalka loogu qeexay, ay joojin karaan. Ujeedaduna waxaa ay tahay sidii loo sugi lahaa in awoodda caafimaadka ay noqoto mid ku filan, haddii tirada bukaannada korona ee isbitaallada ay sii kordhaan.

Qodobka labaad: waxaa uu u oggolaanayaa wasaaradda caafimaadka iyo arrimaha bulshada iyo mas’uulyiinta maamul goboleedyada, suurtaggalnimada ah in ay amri karaan in waaxaha daryeelka guud iyo kuwa gaarka ah, ay wax ka beddelaan howlahooda waxqabadka daryeelka, haddii xaaladda cudurka safmarka ah ay wax kaqabashada arrinkaas u baahato.

Qodobka saddexaad: ee aan caadiga ahayn, waxaa uu kordhinayaa awoodaha ra’iisul wasaaraha. Haddii mas’uuliyiinta dowladda iyo hay’adaha kale ee shaqada haya ay ku kala argti duwanaadaan awoodahooda waxqabad, waxaa markaa arrinka go’aan ka gaaraya golaha wasiirrada, kaddib marka ra’iisul wasaaruhu u soo gudbiyo.

Qodobka afaraad: ee aan caadiga ahayn waxaa uu xoogga saari doonaa in golaha wasiirradu ay la wareegaan hoggaanka gudbinta wararka dowladda. Ujeedadu waxaa ay tahay in la sameeyo war isgaarsiin isu dheelitiran. Dowladduna iyada ayaa si toos ah ula wareegeysa arrimaha warbaahinta.

Ugu dambaynta qodobadda xukunka degdegga ah waxaa go’aan ka gaaraaya baarlamaanka.

Qodobadan xukunka degdegga ah waxaa ay dhaqngeli doonaan khamiista 11 bisha Maarso, waxaana ay socon doonaan illaa iyo 30-ka bisha Apriil.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 470 727 qof (07.03).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunka oo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

       38 480 031     117 143 087
             873 244          2 601 164

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee labadii maalmood ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 29,536,086    68 321    1 993  533 636
2 Hindiya 11,173,572    16 842       113  157 584
3 Baraaziil 10,796,506    74 285    1 786  261 188
4 Ruushka   4,290,135    11 385       475    87 823
5 Ingiriiska   4,201,358      6 573       242  124 025
6 Faransiiska   3,835,595    25 279       293    87 835
7 Isbeyn   3,142,358      6 037       254    70 501
8 Talyaaniga   2,299,199    22 865       339    98 974
9 Turkey   2,746,158    11 322         68    28 839
10 Jarmalka   2,486,306,    11 410        296    72 007
11 Kolombiya   2,266,211      3 565        107    60 189
12 Arjantiin   2,133,963      7 432        191    52 644
13 Meksiko   2,104,987      7 793        857  188 044
14 Poland   1,750,661    15 252        289    44 649
15 Iiraan   1,665,103      8 404         78    60 431
16 Konfur-Afrika   1,517,666      1 404         96    50 462
17 Ukriane   1,364,705    10 057        194    26 591
18 Indonesia   1,361,098     7 264        176    36 897
19 Peru   1,349,847      4 878        217    47 306
20 Czechia   1,284,488    15 223        173    21 235
21 Netherlands   1,105,544      4 144          33    15 730

 Xigasho: Yle, HS, worldometers