Finland waxaa laga helay maanta 197 qof oo uu ku dhacay feyruska korona

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Axad 25.04.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 197 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 85 804 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 3 751 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 58 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 81 qof,  gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 24 qof,  iyo gobolka Pirkanmaa waxaa  laga helay 24qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 27
Vantaa 22
Espoo 17
Tampere 16
Lahti 12
Oulu 12
Turku 11
Salo 5
Lappeenranta 4
Siilinjärvi 4
Kangasala 4
Imatra 3
Mäntsälä 3
Hämeenlinna 3
Jyväskylä 3
Nurmijärvi 3
Orimattila 2
Lieksa 2
Joensuu 2
Kirkkonummi 2
Hämeenkyrö 2
Savonlinna 2

 Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 132 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  31 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 903 qof.Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 35 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 4 716 oo qof, kuwaasoo 4 022 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 693-da kalena uu yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 1 526 696 oo qof (25.04).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

  Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
Tirada feyruska laga helay 49 229 576 147 176 044
Tirada u dhimatay feyruska  1 047 510 3 115 316

 

  Qaaradda Afrika Qaaradda Aasiya
Tirada feyruska laga helay 4 536 777 36 641 279
Tirada u dhimatay feyruska  120 210 492 145

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS