Wararka feyruska korona Finland iyo caalamka intiisa kale

Finland waxaa laga helay 235 qof oo cusub oo qaba feyruska korona.

 Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Jimce 09.10.2020 laga helay feyruska korona 235 qof oo cusub oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa gaareysa 11 580 qof.

Meelaha ugu badan ee faafista aadka ah ay ka jirto waa magaalooyinka Helsinki iyo gobolka Uusimaa oo laga helay 94 qof oo cusub oo hor leh iyo Vaasa oo aga helay 76 qof oo cusub.

Arbacadii la soo dhaafay kaddib wax dhimasho cusub oo feyruska awgiis ah kama aanay dhicin Finland, waxaana tirada u dhimatay feyrsuka ay dhan tahay 346 qof.

Daryeelka Isbitaalka waxaa haatan ku jira 37 qof, waxaana Arbacadii la soo dhaafay tiradaas ku darsantay 6 qof. Waaxda daryeelka aadka u daran waxaa ku jira shan qof.

Jyväskylä oo ay dad 80 qof ka badan u nuglaadeen feyrsuka korona

Maamulka magaalada Jyväskylä ayaa sheegay in dad aad u badan oo magaalada deggan ay u nuglaadeen feyruska korona, kaddib markii ay la kulmeen qof qaba feyruska. Waxaa toddobaadkaan lagu jiro laga soo sheegay Jyväskylä in laga helay 13 qof oo qaba feyrsuka korona, waxaana dadkaasi ay joogeen munaasabad gaar ah oo ay ku sugnaayeen dad tiradoodu kor u dhaafeyso 80 qof.

Maamulka magaalada ayaa sheegay in dhammaanba dadkii munaasabaddaas joogay laga qaaday saamiga baarista feyruska korona, dabadeedna la geliyay karantiil.

Arrin sidaan oo kale ayaa laba toddobaad kahor ka dhacay jyväskylä.

Caasimadda iyo nawaaxigeeda oo laga soosaaray talosoojeedinno cusub oo la xiriia feyruska Korona

Kooxda iskudduweyaasha arrimaha Korona ee gobolka ayaa soo saaray talosoojeedin cusub oo ku saabsan in aanay kulmi karin wax ka badan 20 qof ee munaasabadaha gaarka ah ee la isugu yimaado. Sidoo kale waxaa loo soo jeediyay qabanqaabiyayaasha arrimaha dhaqanka iyo isboortiga in la isticmaalo afshareerka.

Kooxda iskudduweyaasha arrimaha Korona oo ka kooban maamullada Helsinki, Espoo, Vantaa, HUS, THL iyo waaxda maamulgoboleedka koonfurta Finland, waxaa la asaasay 10-kii bishii Sebtember, waxaana shir ay maanta isugu yimaadeen ay ku sheegeen in ay wali baadigoob ugu jiraan qaabab dheeraad ah oo looga hortaagaayo faafista cudurka.

Waxaa kooxda iskudduweyaasha arrimaha Korona ay sheegeen in feyrusku uu haatan si welwel leh ugu dhex faafayo xafladaha gaarka ah iyo kuwa qoysaskaba., waxaana ay dadka farayaan in la muujiyo taxaddar aad u weyn, islamarkaana loo hoggaansamo dhammaanba talosoojeedinta waaxaha caafimadka iyo hawlwadeennada dowladda.

Gobolka Pohjanmaa waxaa lagu soo rogay arrinka ah in 10 qof kabadan aanay kulmi karin

Maamul goboleedka galbeedka iyo bartamaha Finland ayaa soo saaray go’aanka lagu joojinayo shirarka iyo isuimaatinka wixii ka badan 10 qof ee gudaha iyo dibaddaba ah.

Diidmadaas waxaa ay khuseysaa Maagalada Vaasa iyo magaalooyinka agagaarkeeda ah oo dhan, iyadoo loo cuskaday sharciga faafista cudurka.

Sharcigaan waxaa uu dhaqangelayaa laga bilaabo isniinta soo socta illaa iyo 31 bishan Oktoobar.

Kanta-Häme oo kulamada khaaska ah lagu xadeeyay in aanay ka badnaan karin 20 qof

Kooxda qaabilsan arrimaha cudurrada safmarka ee Kanta-Häme ayaa maanta soo saaray xadayn cusub oo ku saabsan munaasabadaha khaaska ah ee dadku isugu imaanayaan. Waxaana arrinkaan cusub ee gudigu soo jeediyay ay ku sheegeen in bishaan Oktoobar gudaheeda aanay kulmi karin wax ka badan 20 qof.

Munaasabadaha khaaska ah waxaa loola jeedaa Xafladaha qaraabada ama reeraha, kuwa qoysaska sida xafladaha aroosyada, kuwa diimaha iyo xafladaha yaryar ee guriga lagu dhigto.

Gobolka Vaasa oo isna lagu soo rogay in aanay kulmi karin 10 qof ka badan

 Waaxda maamul goboleedka galbeedka iyo bartamaha Finland ayaa soo saartay go’aan diidmo ah oo ku saleysan sharciga cudurrada faafa, kaasoo lagu diidaayo in aan munaasabadaha guud iyo kuwa gaarka ah la qabanqaabin karin wixii ka badan 10 qof.

Sharcigaan wuxuu dhaqangelayaa laga bilaabo 12 ka bisha Oktoobar wuxuuna socon doonaa illaa iyo dhammaadka bisha. Waxaana sharcigaan lagu beddelay xadeyntii horrantii toddobaadkan la soo saaray ee ahayd wixii ka badan 50 ka qof.

Waxaana maamulku ay sheegeen on go’aankaan uu muhiim u yahay ka hortagga faafista cudurka ee gobolka Vaasa iyo agagaarkiisa.

Xaaladda korona ee gobolkaas ayaa meel adag mareysa. Tirada dadka uu cudurku ku dhaceyna si xoog leh ayay u sii kordheysaa. Waxaana tirada guud ee dadka laga helay feyruska ee gobolkaas iyo agaagrkiisa ay gaareysaa 453 qof.

Wararka guud ee Caalamka iyo feyruska korona

Ruushka oo laga helay tiradii ugu badneyd ee hal maalin uu ku dhaco feyruska korona

 Wasaaradda caafimaadka ee Ruushka ayaa sheegtay in Maanta oo Jimce ah laga helay dalkaasi 12 126 qof oo cusub oo qaba feyruska korona. Markii ugu dambeysay oo tiro badan hal maalin laga helo feyruska waxaa ay aheyd bishii Maajo, markaasoo Ruushka laga helay 11 656 qof oo cusub oo qaba feyruska korona.

Afar iyo labaatankii saac ee ugu dambeeyay waxaa feyruska u dhimatay 201 qof. Tirada guud ee feyruska uu ku dhacay dalkaas Ruushka ayaa gareysa 1 272 238 qof. Waxaana u dhimatay cudurka korona awgiis 22 257 qof.

 Dalka Check

 Dalka Check-na waxaa afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay laga helay feyruska korona 5 400 oo qof. Waana markii saddexaad oo hal maalin gudaheed tiro intaa le’eg laga helo feyruska korona.

Dalka Check oo tirada dadweynaha ku nool ay tahay 11 milyan oo qof, ayaa waxaa illaa iyo haatan uu cudurka korona ku dhacay in ka badan 100 000 oo qof, waxaana u dhintay feyruska 869 qof.

Dowladda Check waxaa ay soo saartay go’aanno cusub oo looga hortagaayo faafista cudurka , waxaana muddo laba toddobaad ah la xiray golayaasha madadaalada, matxafyada iyo hoolalka jimicsiga. Baararka iyo maqaaxiyahana waxaa lagu amray in ay xiraan sideeda fiidnimo.

 Dalka Faransiiska

Dalka Faransiiska waxaa maalinba tan dambeysa aad u sii kordheysa tirada dadka cusub ee uu ku dhacay feyruska korona. Wakaalad goboleedka arrimaha caafimaadka ee Paris ayaa ku dhawaaqday in magaalada Paris iyo agagaarkeeda laga bilaabi doono qorshaha cusub ee loogu magac daray  ”Qorshaha cad ee la xoojiyay”, waxaana ay ka wakaaladdu ka codsatay dhammaan isbitaallada iyo rugaha caafimaadkaba in ay sameeyaan diyaar garow xoog leh oo wax loogu qabanaayo tirada aadka u badan ee la filaayo in ay isbitaalka u galaan feyruska korona awgiis.  Waxaana dowladdu ay diyaarineysaa qorshaha ah in xitaa shaqaalaha caafimaadka ee fasaxyada ku jira loo yeero in ay shaqada dib ugu soo laabtaan.

Dalka isbeyn

Dowladda Isbeyn ayaa shir aan caadi aheyn oo ay maanta isugu yimaadeen waxaa ay ku soo saareen go’aanka ah in xukun degdeg ah lagu soo rogay caasimadda dalkaas ee Madrid.

Go’aankaan wuxuu ka dambeeyay kaddib markii maxkamadda sare ee gobolka Madrid ay khamiistii diiday ku dhaqanka xadeymo cusub oo ay soo saartay wasaaradda caafimaadka, kuwaao looga hortagaayay faafista cudurka ee sida xoogga ah uga socota magaalada Madrid iyo 9 magaalo oo kale oo hoos yimaada caasimadda.

Xugasho: YLE;HS:MTV3, ALJAZEERA