Hay’adda THL oo maanta soo bandhigtay ablikeeshinka raadraaca feyruska korona

Ablikeeshinka loogu magacdaray Koronavilkku ee loogu talo galay raadraaca faafista feyruska korona ayaa waxaa lagala soo degi karaa laga bilaabo maanta suuqyada la dhigo barnaamijyada ee internetka. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa maanta ku soo bandhigtay shir jaraa’id oo ay arrinkaas kaga hadleen.

Xoghayaha wasaaradda caafimaadka iyo arrimaha bulshada Kirsi Varhila ayaa sheegtay, in arrinkaan uu yahay mid si weyn uga qaybqaadanaaya la socodka u nuglaanshaha feyruska korona.

Barnaamijkan cusub ee koronavilkku waxaa uu wax wanaagsan ka tarayaa suurtaggalnimada ah in la xadido halka uu faafitaanka iyo u nuglaanshaha cudurku ka dhacay. Taasina waa arrin keeni karta in aan loo baahan xukun degdeg ah iyo falal waawayn oo xadayn ah oo la soo rogo.

Waxaa kaloo ablikeeshinku uu wax ka tarayaa arrinka ah haddii qofka cudurku ku dhacay uusan garanayn ama uusan xasuusan dhammaanba dadkii ay kulmeen. Wuxuu kaloo kaa caawinayaa xaaladaha aysan suurtaggalka ahayn in sidii talo soojeedinta ahayd loo kala fogaado oo masaafo 1-2 mitir la isu jirsado (sida marka la qofku saaran yahay gaadiidka dadweynaha) iyo marka ay qofka khasab ku tahay in uu u safro dal uu wali ka jiro khatarta feyruska.

Isticmaalka barnaamijka waa mid ikhtiyaari ah (aan Khasab ahayn), waxaana si bilaash ah uga soo degsan kartaa cinwaanka internetka ee ah koronavilkku.fi , waxaana hay’adda THL sheegtay in shirkadaha telefoonnada ee Telia, Elisa, iyo DNA ay ballanqaadeen in ay macaamiishooda ka caawin doonaan soo degsashada ablikeeshinka.

Sidee ayuu koronavilkku u shaqeynayaa?

Ablikeehsinkan oggol telefoonnada farsamada sare leh waxaa uu aqoonsanayaa telefoonnada dadka kale ee kuu dhow, waxaana uu kuu sheegayaa u nuglaanta cudurka, haddii dadkaas kuu dhow qof ka mid ah uu qabo feyruska. Hawsha iyo awoodda barnaamijkanba waxaa ay ku xiran tahay hadba sida dadka badankiis ay u isticmaalaan.

Ablikeeshinkan cusub ma sheegaayo halka, goorta iyo qofka ay dhici karto in cudurka laga qaado.

Sidoo kale ablikeeshinku ma keydinaayo macluumaadka shakhsiahaaneed ee qofka iyo goobta uu joogo, kaliya telefoonnada isu dhow ee ablikeeshinku ku jiro ayaa dhexdooda isweydaarsanaaya aqoonsi lambareed arrinkaan u gaar ah. Sidoo kale isticmaalka ablikeeshinkaan wuxuu u baahan yahay in marwalba qaybta Bluetooth-ka ee telefoonku ay kuu shidan tahay.

Isha warka: Yle