Finland waxaa laga helay maanta 1151 qof oo uu ku dhacay feyruska korona, iyo 3 xaaladood oo dhimasho cusub ah

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Arbaco 17.11.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 1151 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 172 373 qof.

Isbitaalka waxaa haatan xanuunka feyruska korona awgiis ugu jira tiro gaaraysa 299 bukaan, qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 38 bukaan ah. Tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 1 236 qof, waxaana ay hay’adda THl sheegtay maanta dhimashada 3 qof oo hor leh.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaalka labadiisa qaybood qaateen qaateen dad lagu qiyaasay 80,6,% qof oo da’doodu ka weyn tahay 12 sano jir, qaybta koowaad ee tallaalka waxaa qaatay ku dhawaad 3,57 milyan, taasoo u dhiganta 86,2% oo qof (17.11.).

Xigasho: Yle, HS