Barnaamijka Arrimaha Bulshada: Ka wacyigelinta bulshada cudurka safmarka ah ee feyruska korona

Kaarto Muujineysa xaaladda Guud ee Korona Feyrus iyo Sida uu u kala saameeyay gobolada dalka. Xuquuqda Sawirka: Screenshot/THL

Toddobaadkan barnaamijkeena Arimaha Bulshada waxaanu ku soo qaadaneynaa ka wacyi-gelinta bulshada cudurka safmarka ah ee feyruska korona.  Barnaamijkan oo uu soo jeedinayo Abdirisak Sugulle ayaa bidhaaminaya sida ay muhiimka ugu tahay bulshada Soomaaliyeed inay si wadajir ah oo masuuliyadi ku jirto qof waliba uu isugu xilqaami lahaa sidii uu bulshada inteeda kale uga badbaadin lahaa cudurkan safmarka ah, masuuliyaddaas oo ka bilaabaneysa in marka hore uu isagu naftiisa ka badbaadiyo, xilli hay’adda THL ay sheegtay in mowjaddii labaad laga cabsi qabo inay bilaabato.

Sida Islaamku u xakameyn jiray Cudurrada Faafa

Diinta Islaamka waa diin lagu soo koobay wax walba oo adduunka jira, lana jaanqaadeysa waxa caalamka ka jira xilli kasta iyo meel kastba, waa diin ka horeysa cilmiyada hadda jira, waxa ay sheegeenna ka hor sheegtay. Muddo haatan laga joogo 1500 oo sano ayuu Nabigeena Muxammad NNKH wuxuu sheegay sida cudurrada safmarka ee faafa looga hortago.

Qof walba waxaa laga doonayaa in uu la yimaado asbaabaha ama hababkii  uu cudurkaan kaga badbaadi lahaa, waana masuuliyad darro in uu qofku yiraahdo “Aniga maxaa iga galay wax iguma dhacaayaane” ama sida dadka qaar hadda isticmaalaan “Cudurkan Muslim kuma dhacee, ee dadka aan muslimiinta ahyn ayuu ku dhacaa”.  Arrinkaas oo ah mid khalad ah. Cudurku Muslim iyo Gaal makala yaqaano, waa musiibo Allaah soo diray, ciddii Alle ugu talo galay ayuu ku dhacayaa, laakiin waxaa la rabaa in qofku asbaabta uu la yimaado. Waxyaabaha diinteena ay la timid waxaa ka mid ah waxa loo yaqaano “Maqaasiddu Shariica” , oo ah waxyaabaha diintu u timid in ay ilaaliso sida Nafta, maalka, sharafta qofka, diintiisa iyo caafimaadkiisa.

Nabiga NNKH ayaa hadda ka hor asxaabtiisa u sheegay, ”Haddii aad timaadaan dhul uu Daacuun ka dhacay ama cudurada safmarka ah qofkii ku jireyna yuusan ka bixin, kii aan joogina yuusan gelin.”  Sababta kan ku jira uusan uga soo baxeyn ayaa ah in uusan cudurku sii faafin.

Sidaasi si la mid ah, xiligii saxaabada Cumar Bin Khadaab (RC) ayaa laga celiyay in uu tago markii uu ku dhuftay daacuunkii caanka ahaa ee la oran Cimwaas oo ay saxaabo badan ay ku dhinteen, oo uu ka mid ahaa Abuu Cubeyda Cabdullahi Ibnu Jaraaxa (RC), markaas ayaa saxaabadii qaar ku qabsadeen oo ay ku dhaheen “Yaa Amiiri Mu’miniin, ma Qaddarkii ilaahey baan ka carareynaa”, markaas ayuu yiri, “Haa, Qaddarkii Alle ayaan ka carareynaa, waxaana u carareynaa qaddarkii Alle”, Cabdiraxmaan Bin Cawf ayaana xadiiskan keenay oo yiri Amiiku waa saxan yahay oo Nabiga NNKH ayaan ka maqlay “Qofkiina yuusan gelin dhul daacuun (cudurada faafa) ka jiro, kii ku jirayna yuusan ka soo bixin”.

Qaado Tallooyinka Hay’adaha Caafimaadka

Nadaafadda gacmaha waa mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee aad naftaada kaga badbaadin karto qaadista cudurka Korona Feyrus. Xuquuqda Sawirka: Helsinki Kaupunki

Axaadiistani waxa ay tilmaamayaan sida Islaamku u xakameyn jiray ama karantiili jiray xilliyada adag ee cudurada faafa ay jiraan iyo sidii ay uga hortagi jireen. Taasoo ah in la raaco, loona hoggaansamo tallooyinka hay’adaha caafimaadka ay ku siinayaan sida marka gaadiidka la raacayo in Af-shareerka la xirto, haddii qofka xanuunka isaga shakiyo uu  soo sheego iyo in la qaato talooyinka kale ee lama huraanka ah ee ku saabsan ka hortagidda cudurka Korona Feyrus.

Waxaa muhiim ah in la ogaado in cudurku uusan ceeb ahayn. Waxaad mooddaa in haddii la yiraahdo qof ayaa Korona ku dhacay ama meel ayaa karona ka dillaacay in dadkii ay ceeb ka dhigayaan, balse ceeb ma ahan.

Waa in aan hay’adaha caafimaadka ku taageerno sidii looga hortagi lahaa cudurkaan safmarka ah, haddaan saa yeeli weyno, waxaa iman doonta ceebtu inay si dhakhso ah noo qabsato haddaan Soomaali nahay, waayo Soomaali ahaan, anaggu tirada waanu ka yar nahay dadka dalkaan deggan, haddii shan qof ay naga dhimato, tiradu waa badaneysaa, halka haddii ay iyaga 300 ka dhimato aysan wax weyn u noqoneynin. Waayo iyagu waa shan milyan, anagguna waxaan ka nahay tobaneeyo kun wax aan ka badnayn”

Karantiilka ama Go’doonka

Sidaas darteed, bulshada Soomaaliyeed waa inay is ilaaliyaan, wax kasta oo ay kaga hortagi karaana ay uga hortagaan. Tusaale ahaan, qofka karantiilka la geliyo  am akan go’doonka la geliyay ee xanuunkii laga helay, waa inay guryahooda joogaan oo aysan dadka soo dhex gelin, haddii isagoo xanuunka qabana uu dadka soo dhex galo, diin ahaan Allaah xaggiisa dembi ayuu ka galayaa, sababtoo ah Qur’aanku waxa uu leeyahay “Qofkii naf dila ama sabab u noqda naftaas, waxay la mid tahay isagoo dadkoo dhan dilay. Qofkii qof nooleeya oo sabab u noqdana waxay la mid ah tahay isagoo dadkoo dhan nooleeyay”. Dhimashadii iyo nooleyntii oo Allaah mooyee aanay cid kale gacanta ugu jirin, ayaa haddana waxaa laga cabbiray adigii haddaad sabab u noqotid.

Haddii cudurka lagaa helo, oo aad dadka soo dhexgasho, dadka waxaa ku dhex jira qof waayeel ah, qof xanuun qaba, qof aan adkeysan karin, qofkaas haddii uu xanuunsado oo uu dhinto, aakhiro dembigaas wax baad ku leedahay. Sidaas darteed, qof walba oo karantiil la ama go’doon la geliyay, waa inuusan gurigiisa ka soo bixin, waayo karantiil baad ku jirtaa, oo dukaan xitaa ma iman kartid, oo waa in laguu soo adeegaa. Xitaa gurigaaga haddii aad joogtid oo cudurka lagaa helo ayaa lagaa rabaa in aad qol gooni ah gashid oo aadan soo dhexgelin dadka guriga kugula nool. Marka ma 14 cisho ayaad adkeysan weyday oo aad aakhiro dembi u galeysaa, oo aad ummaddii u halaageysaa? Warka hay’adaha caafimaadku bixiyaan macno ayaa ku jira, ee ummadda sharka ka ilaali.

Salaadda Jamaacada:

Garoon dedan oo salaadda Ciidda lagu tukanayo (Helsinki)

Dad ayaa ku andacoonaya waa in ay salaadda jamaacadu i dhaafin, oo xitaa iyagoo xanuunsan imaanaya masjidka. Waxaan dadkaa leenahay walaal haddii Salaadda Jamaacada aad joogteyn jirtay oo xanuun kugu dhaco ku tuko gurigaaga, ajarkii salaaddana waad leedahay oo Nebigeena NNKH ayaa yiri, “Addoonku hadduu safro ama uu xanuunsado, wixii uu joogteyn jiray ajarkeeda wuu helayaa”, sidaas darteed waa in aad gurigaaga ku tukataa inta aad xanuunsan tahay. Xitaa haddii aad hargab isaga shakiso, ha imaanin masaajidka ee gurigaaga joog, haddii xaaladaadu ka dartana hay’adaha caafimaadka la xiriir.

Marka waxaa muhiim ah in dhammaanteen aan ka qeybqaadanno sidii cudurkaan looga hortagi lahaa, waayo hay’adaha caafimaadka kaligood waxba ma qaban karaan, haddii bulshada ay u adeegayaan aanay la shaqeynaynin.

Goobaha dadka badan isugu yimaadaan sida Aroosyada:

Goobaha dadka badan isugu yimaadaan inta badan waa goobaha ugu fudud ee uu ku faafo cudurkan Safmarka marka, marka waxaa habboon in aadan aadin goobahaaas oo ay ka mid tahay aroosyada, waayo waa meelaha ugu badan ee ay khatartu ka timaaddo.

Kasvomaski – Af-shareer. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somali Media

Asbaabaha looga hortaagi karo

  1. Gacmahaaga mar walba ku dhaq saabuun ama jeermis dile.
  2. Xiro Af-shareerka, waayo naftaada ayuu badbaadinayaa, naftaadu haddii ay badbaaddana ummadda oo dhan waa badbaadday.
  3. Jooji Salaanta gacanta ah ama hab isasiinta.
  4. Gacmahaaga haddii aysan nadiif ahayn ha ku taabanin wejigaaga.
  5. Ka fogow goobaha dadka badan isugu yimaadaan.
  6. U hoggaansan talooyinka hay’adaha caafimaadka ku siiyaan.

Naftaadana badbaadi, nafaha dadka kalena badbaadi.

Halkan Hoose ka daawo Barnaamijka oo Muuqaalka ah: