OGEYSIIS: Aaska Allaha u naxariistee Hooyo Nimco Cali Maxamuud waa Khamiista 19.1.2023 saacadda 14.30

Qabuuraha muslimiinta reer Helsinki ee Honka nummi.
Waxaa la ogaysiinayaa dhammaan walaalaha muslimiinta ah ee ku dhaqan dalkaan Finland, inay ka soo qayb galaan, aaska Maama Nimo Ali Maxamed ALLAHA u naxariisto, su’aasha qabriga Allaha u fududeeyo, jannadii Fardowsana ALLAHA geeyo.
Waxaana la aasayaa Maalinta Khamiista 19.01.2023, Saacadu markay tahay 14:30.
Cinwaanka qabuuraha: Vanha Porvoontie 225 01380 Vantaa.
Waxaa jira basas ka soo baxaya labada masjid ee Al-hudaa iyi Al-raxmah, basasku waxay ka dhaqaaqayaan masaajidda hortooda saacaddu marka ay tahay14:00.
Waxaa dadweynaha laga codsanayaa in waqtiga la ilaaiyo, waayo dad baa sharada fasax yar ka soo qaadanaya, xilligiii salaadahana aad bay isugu dhow yihiin.
Allaha u naxariisto dhammaanba mawtida muslimiinta, annagana gadaashood Allaah nama fidneeyo.