Finland waxaa laga helay saddex xaaladood oo nooca cusub ee feyruska korona ah

isniin 28.12.2020 Sheybaarka HUS iyo sheybaaradda cilmiga feyruska ee jaamacadda Helsinki, ayaa si wadajir ah u xaqiijiyay in saddex qof oo reer Finland ah oo safar dibadda ka yimid laga helay nooca cusub ee feyruska korona, sidaasna waxaa sheegay wasaaradda caafimaadka iyo arrimaha bulshada.

Laba qof oo ka mid ah waxaa laga helay nooca cusub ee feyruska korona ee ka dillaacay dalka ingiriiska, hal qof oo ka mid ahna waxaa laga helay feyruska cusub ee ka dillaacay dalka Koonfur-Afrika. Dadkaas laga helay feyruska nooca cusub ee korona xaaladdooda caafimaad waa ay wanaagsan tahay, waana la go’doomiyay.

Xaaladahaas feyruska cusub waxaa laga kala helay gobollada kala ah Kymenlaakso iyo Varsinais-Suomi. Sida ay sheegeen waaxaha caafimaadka ee gobolladaasna dhammaanba meelaha feyruskaas ka bilowdeen waa la xaqiijiyay, waxaana dadkii laga helay la geliyay karantiil.

Dhakhaatiirta arrimaha caabuqa ayaa hore u sheegay in aan meesha laga saari karin, in feyruskaas laga heli doono Finland, maadama dadka musaafiriinta ah ay socdaan, sababtaas awgeed ayaa howlwadeennada caafimaadku u soo jeediyeen dadkii ka yimid Ingiriiska iyo K/Afrika wixii ka dambeeyay 7.12, in ay baaritaanka feyruska korona aadaan, xitaa haddii hore looga soo qaaday baaritaanka oo laga helay feyruska korona, si markaas loo baaro in feyruska nocaan cusub ah uu soo gaaray dalka iyo inkale.

Feyruskaan cusub ayaa hore looga helay waddamada kala ah: Ingiriiska, Denmark, Holland, Australia, Japan, Faransiiska, Talyaaniga, Iswedhen, Austariya iyo Japan.

Waxaa isna jira nooc kale oo cusub oo laga kala helay dalalka K/Afrika iyo Ingiriiska.

Xigasho: YLE/ HS