Wararka feyruska korona ee Finland iyo caalamka intiisa kale

Finland waxaa laga helay 122 qof oo cusub oo qaba feyruska korona.

Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Isniin 26.10.2020 laga helay feyruska korona 122 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa gaareysa 14 970 qof.

Meelaha ugu badan ee cudurku aadka ugu faafayo waa magaalooyina kala ah, Helsinki 38, Espoo 15, Vantaa 19,Turku 7, Oulu 4, Kuopio 4, Vaasa 4

 Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ku jira 70 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, 11 kamid ah dadkaasna waxaa ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran.

Iskuul ku yaalla magaalada Jyväskylä oo ay ka dhacday u nuglaanta feyruska korona

Maamulka magaalada Jyväskylä ayaa sheegay shalay in 148 ardey iyo 23 shaqaale oo ka tirsan iskuulka Keski-Paloka la geliyay karantiil, kaddib markii ay u nuglaadeen feyruska korona. Waxaana sida maamulku sheegay ay karantiilka ku jiri doonaan illaa iyo Isiniinta soo socota.

Sida maamulku sheegay u nuglaantu waxaa ay dhacday Khamiistii la soo dhaafay.

Iskuulka Keski-Paloka waxaa dhigta arday tiradooda guud ay tahay 550 arday.

Dalka Faransiiska

Borofoosarka la yiraahdo Jean-Francois Delfraissy oo ah madaxa gudiga dowladda u qaabilsan ka talinta cudurka safmarka korona, ayaa sheegay in ay dhici karto in Faransiiska maalin walba laga helo feyruska korona in ka badan 100 000 oo qof.

Afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay oo kaliya waxaa laga helay 52 000 oo qof oo hor leh oo qaba feyruska korona iyo 116 dhimasho ah.

Dalka Faransiiska waxaa illaa iyo haatan laga helay feyruska korona 1 138 507.

Dalka Ruushka

Dalka Ruushkana waxaa afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay laga helay feyruska korona 17 347, sidaana waxaa sheegay warfaafinta dalkaas.

Saddex meeloodoo meel faafista cusub ee feyruska waxaa laga helay magaalada Moscow. Waxaana haatan magaalada ka socda baaritaan lagu samaynaayo dadka raacaya metrooga, kuwaaso laga cabiro qandhada ama xumadda, haddii uu qofku qandhaysan yahayna looma oggola in uu raaco metrooga.

Dadka haatan daryeelka isbitaal ugu jira xanuunka awgiis, waxaa ka mid ah 38 xildhibaan oo ka tirsan aqalka hoose ee duuma ee baarlamaanka dalkaas Ruushka. Illaa iyo haatan 91 xildhibaan oo ka mid ah baarlamaanka Ruushka ayaa la xanuunsaday cudurka COVID-19.

Haatana shax mujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan

Dalka Tirada guud ee feyruska Tirada guud ee dhimashada Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada
Maraykanka 8,9 milyan 230 510 60 889 442
Hindiya 7,9milyan 119 030 45 158 463
Baraaziil 5,4 milyan 157 163 12 904 237
Ruushka 1,5 milyan 26 050 16 710 229
Faransiiska 1,086 milyan 34 761 52 010 116
Spain 1,1 milyan 34 752 19 851 231
Argantiin 1,081 milyan 28 896   9 253 283
Kolombiya 1,007 milyan 30 154   8 174 154

                       

Xigasho: YLE,HS