Finland waxaa laga helay maanta 192 xaaladood oo feyruska korona iyo 11 xaaladood oo dhimasho hor leh ah

Isniin 25.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 192 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 42 772 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 33 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 128 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 24 qof, iyo gobolka Pohjois-Pohjanmaa oo laga helay 14 qof.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 62 qof, Espoo: 28 qof ,Vantaa: 25 qof, Turku: 15 qof, Oulu: 12 qof, Kouvola: 4 qof, Kaarina: 4 qof, Laittila: 4 qof,  Kolari: 3 qof, Nurmijärvi: 3 qof, Vihti: 2 qof, Lohja: 2 qof, Gobolka Pirkanmaa: 2 qof, Kanta-Häme: 2 qof, Pohjois-Savo: 3 qof, Etelä-Savo: 3 qof, Pohjois-Karjala: 2 qof, Satakunta: 2 qof. Inta soo hartay ee magaalooyinka oo min hal qof ah.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 131 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 21 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 655 qof, kaddib markii hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga ee Finland ay sheegtay maanta dhimashada 11 qof oo hor leh.

Xaaladda cudurka safmarka ah ee heerka faafista: HUS, Kymenlaakso, Päijät-Häme,, Kanta-Häme, iyo Varsinais-Suomi. Heerka karaar qaadashada, Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pohjois-Pohjanmaa, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Etelä-Karjala, Pohjois-Karjala, Ahvenanmaa, Kainuu, Pohjois-Savo, iyo Vaasa (marka laga reebo Korsnäs, Mustasaari, Pietarsaari iyo Maalahti, oo iyagu ku jira heerka faafista). Heerka hoose: Satakunta,Keski-Pohjanmaa, Itä-Savo, Etelä-Savo iyo Lappi.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

   32 084 661    99 81 308
         700 468       2 141 316

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 25,7 milyan  135 315     1 851  429 497
2 Hindiya 10,7 milyan    13 329        132  153 508
3 Baraaziil 8,84 milyan    28 346        606  217 081
4 Ruushka 3,71 milyan    21 127        491    69 462
5 Ingiriiska 3,64 milyan    30 004        610    97 939
6 Faransiiska 3,05 milyan    18 436        172    73 049
7 Isbeyn 2,60 milyan    55 441
8 Talyaaniga 2,46 milyan    11 629        299    85 461
9 Turkey 2,43 milyan      5 277        140    25 073
10 Jarmalka 2,14 milyan    10 083        241    52 777
11 Kolombiya 2,01 milyan    12 516        392    51 374
12 Arjantiin 1,87 milyan      5 031          90    46 827
13 Meksiko 1,75 milyan    20 057     1 470  149 084
14 Poland 1,48 milyan      4 938        110    35 363
15 K/afrika 1,41 milyan      8 147        300    40 874
16 Iiraan 1,37 milyan      5 945          89    57 383
17 Ukriane 1,19 milyan      3 915          83    21 861
18 Peru 1,09 milyan      5 075        169    39 777

 Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS