Wararka caalmka ee maanta iyo feyruska korona

Finland waxaa laga helay 105 qof oo cusub oo qaba feyruska korona, iyo laba xaaladood oo dhimasho ah

 Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Jimce 25.9.2020 laga helay feyruska korona 105 qof oo cusub dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa gaareysa 9 484 qof.

Daryeel caafimaadka waxaa feyruska dartiis isbitaalka ugu jira 22 qof, oo afar ka  mid ah ay ku jiraan qeybta daryeelka xaaladda aadka u daran.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in tirada guud ee u dhimatay feyruska korona illaa iyo haatan ay tahay 343 qof.

Nawaaxiga caasimadda waxaa la soo jeediyay in isuimaatinka dadka aanay ka badan 20 qof iyo in afshareerka la qaato

Waaxda caafimaadka ee Helsinki iyo Uusimaa ayaa maanta shir jaraa’id oo ay qabteen, waxaa ay mar kale kaga hadleen arrimaha la xiriira feyruska korona. Mowduuca laga hadlaayay ayaa ahaa xanuunkaan safmarka ah ee haatan taagan, waxaana ka hadlay madaxa dhakhaatiirta Markki Mäkijärvi iyo Kaaliyaha dhakhtarka sare Eeva Ruotsalainen.

Marku Mäkijärvi waxaa uu munaasbaddaas ka sheegay, in magaalooyinka waaweyn iyo bartamaha Uusimaa ay yihiin meelaha ugu daran ee xaaladda feyrusku ay kor u sii socoto. Magaalooyinku waa kala duwan yihiin, laakiin dadkii ayaa dhaqdhaqaaqooda isga gudubka xuduudaha magaaladu uu aad u badan yahay. Xaaladdu waa mid aad welwel u leh, una baahan in wax laga qabto, si loo xakameeyo xanuunkaan safmarka ah. Mäkijärvi waxaa uu sheegay in ay soo jeediyaan talooyin badan oo wax ka taraya xaaladdaan sida shaqada oo dhanka internetka laga qabto iyo isticmaalka afshareerka, waliba goobaha aanay suurtagglka aheyn in kala foogaanshaha ammaanka leh la kala fogaado.

Soo ifbaxa xanuunka feyruska korona ee bartamaha Uusimaa ayaa cirka isku sii shareereysa, waxaana ay haatan maraysaa 24 xaaladood oo feyruska korona ah boqolkii kun ee qof ee kastaaba.

Magaalada Lieksa oo tirada faafista feyrusku ku sii kordheyso

 Sida laga soo xigtay waaxda adeegga caafimaadka iyo arrimaha bulshada ee waqooyiga Karjala, tirada dadka qaaday feyruska korona ee magaalada lieksa ayaa sii badaneysa, waxaana ay haatan mareysaa 16 qof.

Sida uu sheegay dhakhtarka sare ee arrimaha caabuqa Jennifer Sieberns, xaaladdii ugu horreysay ee faafista cudurka waxaa uu ahaa qof ka yimid bartamaha dalalka yurub.

Dadka illaa iyo haatan u nuglaaday feyruska ayaa gaaraya 60 qof, waxaana dhici karta in ay intaas ka sii bataan. Baaritaanka saamiga ee korona waxaa Lieksa laga qaadaa xitaa maalmaha wiikendhiga.

Magaalada waxaa lagu soo rogay muddo toddobaad ah in aan la oggolyn wixii ka badan 50 qof oo isu imaatinka munaasabadaha ah. Waxaana xaaladdaas mar labaad qiimeyn lagu sameyn doonaa toddobaadka soo socda.

Halkan waxaan ku soo gudbinaynaa qaar ka mid ah dalalka xaaladooda faafista feyruska korona ay ka sii dareyso

Poland

 Dalka Poland waxaa laga soo weriyay in laga helay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay 1587 xaaladood oo cusub oo feyruska korona ah. Illaa iyo haatan tirada guud ee dalka Poland ee laga helay feyruska waa 84 000 oo qof. Waxaana u dhintay feyruska 2 400.

Ruushka

Sida laga soo xigtay xarunta ka hortagga cudurrada faafa ee dalka Ruushka waxaa afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay laga helay dalkaas 7 200 qof oo cusub oo qaba feyruska korona, waana tiradii ugu badneyd ee laga helo feyruska hal maalin tan iyo 23 bishii Juun ee la soo dhaafay.

Tirada guud ee dalka Ruushka e laga helay feyruska waa in ka badan 1,1 milyan oo qof, waxaa feyruska u dhintay afar iyo laabatnkii saac ee la soo dhaafay dad gaaraya 108 qof, taasoo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 20 000 oo qof.

Ciraaq

Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dalkaas waxaa feyruska korona laga helay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay 4593 qof, taasoo tirada guud ka dhigaysa 341 699 qof.  Tirada dhimashada ee cusub ayaa ah 68 qof, waxaana tirada guud ee dhimashada ay gaareysaa 8867 qof. Waxaana ka bogsaday xanuunka tiro gaareysa 273 266 qof.

Kuweyt

Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dalkaas waxaa feyruska korona laga helay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay 590qof, taasoo tirada guud ka dhigaysa 102 441 qof.  Tirada dhimashada ee cusub ayaa ah 3 qof, waxaana tirada guud ee dhimashada ay gaareysaa 595 qof.

Qatar

Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dalkaas waxaa feyruska korona laga helay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay 225 qof. Waxaana ka bogsaday feyruska illaa iyo haatan dad gaaraya 121 512 oo qof.

Xigasho: Yle iyo Aljazeera