Cilmibaaris cusub oo caddaynaysa dalalka ugu horreeya adduunka xagga wax kaqabashada feyruska korona

Macahadka cilmibaarista Austaraaliya ee Lowy Institute ayaa cilmibaaris uu ku sameeyay qaabka ay dowladaha adduunku wax uga qabteen ka hortagga faafista feyruska korona, waxaa darajada koowaad uu siiyay dalka NewZealand, halka kaalinta ugu xun ee wax ka qabashada arimaha korona uu galay dalka Baraaziil. Waddamada carabtana waxaa kaalinta koowaad galay Tuniisiya oo dhinaca iskuxigga addunkana kaga jirta tirada kaalinta 21-aad, halka dalkaan Finland uu kaga jiro kaalinta 17-aad.

Machadka Lowy institue waxaa isu keenay illaa boqol dal, isagoo cilmibaaristiisna halbeeg uga dhigay shan arrimood oo kala ah: tirada dhimashada iyo tirada dadka uu ku dhacay ee la hubo, tirada la hubo ee qaaday cudurka hakii milyan ee qof ee kastaa, tirada dhimashada la hubo ee halkii milyan ee qof ee kastaa, xaaladaha dhabta ah ee la hubo ee faafista feyruska ee dhammaan saamigii la qaaday, iyo tirada saamiga la qaaday ee 1000-kii qof e kastaa. Waxaana bayaan uu macahadku soo saaray lagu caddeeyay in arrimahaas dhammaantod ay yihiin, kuwo tilmaamaya sida wanaagsan ama sida xun ee dal walbaa uu uga hortagay cudurkan safmarka ah ee korona.

Dalka NewZealnad oo kaalinta koowaad adduunka ka galay, ayaa warbixintu sheegtay in uu feyruska korna kaga adkaaday, xuduudaha oo ay xirteen, nidaamka karantiilka iyo go’doominta oo si wanaagsan loo maareeyay, dhakhsaha saami qaadista iyo sida howshaasi u ahayd mid firifricooon.

10-ka dal ee ugu horreeya waxaa ay kala yihiin; NewZealand, Vietnam, Taiwan, Thailand, Qubrus, Ruwanda, Iceland, Autaraaliya, Latvia iyo Srilanka.

Dalalka Yurb waxaa kaalinta koowaad ku jira Latvia 9-aad, Estooniya kaalinta 11-aad, Malta kaalinta 14-aad, Finland kaalinta 17-aad, Norwey iyo Lithuenia oo kaalinta 18-aad iyo 19-aad ku kala jira.  Denmark waxaa ay ku jirtaa kaalinta 23 aad, halka Sweden ay ku jirto kaalinta 37-aad.

Dalka Baraaziil ayaa noqday dalka ugu xun wax kaqabashada cudurka safmarka ah ee korona, islamarkaana waxaa uu ku jiraa xagga ugu hooseysa ee liska oo ah kaalinta 98-aad, waxaana ka horreeya dalka Meksiko, Colombiya, Iiraan, Maraykanka, Boliivia, Panama, Saldanadda Cummaan iyo Ukrain.

Sida cilmibaaristu muujisay dalalka tirada dadkoodu ay ka yar ahay 10-ka milyan , mujtamacooduna yahay mid ishaysta, islamarkaana leh hay’ado dhanka caafimaadka oo waxtar leh, ayaa ah kuwa ugu wanaagsan xagga wax kaqabashada cudurka safmarka ah ee feyruska korona.

Cilmbaaristan ayaan lagu darin dalka Shiinaha oo ah meeshii ugu horraysay ee uu ka soo bilowday feyruska korona dhammaadkii sannadkii la soo dhaafay 2020, sababtuna waa iyadoo aan la haynin tirakoobyo dhab ah oo lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan faafista feyruska korona ee dalkaas.

Xigasho: Aljazeera, lowyinstitute.org/features/covid-performance/