Finland waxaa laga helay maanta 198 xaaladood oo feyruska korona ah

Axad 10.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 198 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 38 590 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 57 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 82 qof, Gobollada kala ah Pirkanmaa iyo Kanta-Häme oo laga helay midkiiba 16 qof, iyo Gobollada kala ah Vaasa iyo Varsinais-Suomioo midkiiba 15 qof laga helay.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 43 qof, Vantaa: 15 qof, Hämeenlinna: 14 qof,Tampere: 13 qof, Espoo: 12 qof, Turku: 11 qof, Oulu: 11 qof, Jyväskylä: 8 qof, Kouvola: 7 qof, Vaasa: 6 qof, Pietarsaari: 5 qof, Kotka: 5 qof, Kuopio: 4 qof, Lahti: 4 qof, Tuusula: 3 qof, Mäntsälä, Maalahti, Järvenpää, Pori, Keuruu, Joensuu oo min 2 qof ah, iyo magaalooyinka kale oo min hal qof ah.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 176 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 29 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 586 qof.

Xaaladda cudurka safmarka ah ee heerka faafista: HUS, Päijät-Häme, Pohjois-Pohjanmaa, Kymenlaakso, Kanta-Häme, Varsinais-Suomi, Ahvenanmaa, Pieksämäki iyo laba degmo oo ka tirsan Pohjanmaa oo kala ah: Korsnäs, Mustasaari.

Heerka karaar qaadashada Satakunta, Etelä-Savo (pl. Pieksämäki), Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Keski-Pohjanmaa, Etelä-Karjala iyo Pohjois-Karjala.

Heerka hoose: Itä-Savo, Lappi, Pohjois-Savo iyo Kainuu.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

 28 787 279    90 199 834
         618 230       1 937 057

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 22,7 milyan  249 694    3 238  381 483
2 Hindiya 10,4 milyan    18 820       213  151 048
3 Baraaziil 8,07 milyan    60 078    1 115  202 657
4 Ruushka 3,37 milyan    23 309       470    61 381
5 Ingiriiska 3,01 milyan    59 937    1 035    80 868
6 Faransiiska 2,76 milyan    20 177       168    67 599
7 Turkiga 2,31 milyan      9 537       181    22 631
8 Talyaaniga 2,25 milyan    19 978       483    78 394
9 Isbeyn 2,05 milyan    xxxxxx     xxxxx    51 874
10 Jarmalka 1,91 milyan    20 202       660    41 061
11 Kolombiya 1,77 milyan    15 795       353    45 784
12 Arjantiin 1,71 milyan    11 057       144    44 417
13 Meksiko 1,50 milyan    14 362    1 038  132 069
14 Poland 1,37 milyan    10 271        439    31 012
15 Iiraan 1,28 milyan       5 924          82    56 100
16 K/Afrika 1,21 milyan     21 606        399    32 824
17 Ukriane 1,11 milyan       4 846          80    19 668
18 Peru 1,11 milyan       2 804          80    38 213

 Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS