Finland waxaa laga helay maanta 143 qof oo uu ku dhacay feyruska korona ah

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Khamiis 03.06.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 143 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 92 913 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 1 967 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 45 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 43
Tampere 10
Espoo 9
Lahti 7
Vantaa 7
Turku 7
Jyväskylä 5
Laitila 4
Kerava 4
Lempäälä 3
Kurikka 2
Kokkola 2
Myrskylä 2
Taivassalo 2
Hyvinkää 2
Vihti 2
Hämeenlinna 2
Loviisa 2
Salo 2
Kankaanpää 2
Uusikaupunki 2
Kouvola 2

 

Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 80 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  14 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 959 qof. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 30 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 7 931 oo qof, kuwaasoo 6 518 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska ee haatan loo bixiyay Alfa, halka 1 319 waa nooca Koonfur-Afrika oo haatan loo bixyay Beeta, Nooca Hindiga oo ah 67 oo haatan loo bixiyay Delta,  iyo 2 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil, oo haatan loo bixiyayGamma.(waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 02.06).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 2 546 214oo qof (03.06).

Xigasho: YLE,HS