Finland waxaa laga helay 540 qof oo cusub oo qaba feyruska korona ah

Khamiis 03.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 540 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 26 422 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 79 magaalo ayaa laga helay feyruska. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolkan Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 308 qof, waxaa kaalinta labaad ah gobolka Varsinais-Suomi oo 48 qof, iyo kaalinta saddexaad oo ah gobolka Päijät-Hame, waxaana laga helay 41 qof. Magaalooyinka ugu badan waxaa ay kala yihiin sidatan soo socota: Helsinki (175), Vantaa (49), Espoo (44), Turku (31), Lahti (31), Oulu (24), Karvia (12), Tampere (9), Nurmijärvi (8), Jyväskylä (7), Kerava (5), Tuusula (5), Kirkkonummi (4), Hollola (4), Pohjois-savo (5), Hämeenlinna (5), Kotka (5), Kouvola (4), Etelä-Pohjanmaa (5), Etelä-Savo (10), Rovaniemi (5), Pohjois-karjala (6).

 Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 165 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 21 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran. Waxaana isniintii kaddib ku soo kordhay qaybtaan 3 qof. Tirada dhimashada ee feyruska korona awgiis tan iyo intii cudurka safmarka ah ka bilowady Finland  ayaa ah 408 qof.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

18 643 496 64 948 823
 

Tirada u dhimatay feyruska

425 619    1   501 535

 

Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
  1 Maraykanka 14,3   milyan  203 737    2 833 279 867
  2 Hindiya 9,53   milyan    33 761       498 138 657
  3 Baraaziil 6,43   milyan    48 124       669 174 531
  4 Ruushka 2,34   milyan    25 345       589   41 053
  5 Faransiiska 2,24   milyan    14 064       310   53 816
  6 Spain 1,68   milyan      9 331       273   45 784
  7 Ingiriiska 1,65   milyan    16 170       648   59 699
  8 Talyaaniga 1,64   milyan    20 709       684   57 045
  9 Arjantiin 1,44   milyan      7 533       228   39 156
10 Kolombiya 1,33   milyan      9 297       183   37 177
11 Mexico 1,12   milyan      8 819       825 106 765
12 Jarmalka 1,10   milyan     20 171       453   17 812
13 Poland 1,01   milyan     13 880       609   18 208

Xigasho: YLE,HS, WORLDOMETERS