Wararka feyruska korona Finland iyo caalamka intiisa kale

Finland waxaa laga helay 131 qof oo cusub oo qaba feyruska korona.

Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Isniin 19.10.2020 laga helay feyruska korona 131 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa gaareysa 13 555 qof.

Meelaha ugu badan ee cudurku aadka ugu faafayo waa magaalada Helsinki iyo gobolka Uusimaa oo laga helay 98 qof oo cusub (Helsinki 56, Espoo 20 iyo Vantaa 17) iyo Vaasa oo laga helay 4 qof oo cusub. Sidoo kale Varsinais-Suomi ayaa iyagana laga helay 14, waxaana ugu badan (Turku 11) oo laga helay qof oo feyruska qaba.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ku jira 62 qof sida ay sheegtay hayäadda THL.  55  ka mid ah waxaa ay ku jiraan qaybta daryeelka caadiga ah, 7 kamid ahna waxaa ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran.  Ma jirto cid u dhimatay feyruska awgiis dalkaan Finland.

Xubnaha Baarlamaanka oo aan wax kale laga helin feyruska korona

Kaddib feyruskii laga helay xildhibaan ka tirsan xisbiga mucaaradka toddobaadkii la soo dhaafay, ma jiraan cid kale oo ka tirsan xubnaha baarlamaanka oo laga helay feyruska.  Waxaa sidaas maanta u sheegay warfidiyeennada madaxa maamulka baarlamaanka Pertti Rausio.

Sida uu sheegay Pertti xitaa tirada dadka u nuglaaday feyruska ee karantiilka la geliyay cidna kuma kordhin. Illaa iyo 20 qof oo ka tirsan shaaqalaha baarlamaanka ayaa u nuglaaday feyruska.

Wararka guud ee Caalamka iyo feyruska korona

 Ingiriiska oo tirada dadka laga helaayo feyruska ay aad u sii kordheyso

Dalka Ingiriiska waxaa maanta laga diiwaangeliyay 18 804 qof oo cusub oo qaba feyruska korona, sidaasna waxaa sheegay howlwadeennada dowladda. Shalay waxaa tirada dadka laga helay feyruska ay aheyd 16 982 qof.

Tirada afar iyo labaatankii saac ee la soo dhafay u dhimatay feyruskana waxaa ay ahaayeen 80 qof.

 Ra’iisul wasaaraha Dalka Belgium oo sheegay in xaaladda feyruska korona ee haatan ay ka xun tahay tii gu’ga la soo dhaafay

Ra’iisul wasaaraha dalka Belgium Alexander de Croo ayaa sheegay in xaaladda feyruska korona ee dalkaas ay ka soo dareyso, isagoo ku tilmaamay in ay si aad ah uga darran tahay tii dalka soo martay gu’gii la soo dhaafay.

De Croo oo waraysi siinaayay telefishka RTL, ayaa sheegay in si dowladdu ay wax uga qabato arrinkaas, la xirey baararkii iyo maqaaxiyahii muddo afar toddobaad ah. Shaqaalaha intooda badan waxaa la geliyay shaqada dhanka internetka ee ay guryaha joogaan, habeennimadiina waxaa dalka lagu soo rogay bandow dhanka socodka ah.

Maalintii Axadda ahayd waxaa daryeel isibtaal ku jirey dalkaas Belgium tiro gaareysa 412 qof. Kalabar dadkaas waxaa ku rakibnaa mishiinka lagu neefsado. Waxaana illaa iyo haatan dalkaas belgium u dhintay feyruska korona 10 143 qof.

Dalal badan oo xayiraad ku soo rogay socodka dadka feyruska korona awgiis

Dalal dhowra ah oo caalamka la tirsan ayaa xayiraado adag oo socodka dadka ah ku soo rogay dalalkooda, xanuunkaan safmarka ah ee feyruska korona awgiis.

Dalka Slovenia ayaa dadka u diiday socodka habeenkii ah. Waxaana diidmada socodka ay ka bilaabanaysa 21:00-06:00. Waxaana tirada dadka halkii mar kulmi kara laga dhigay 6 qof. Bandowgaan lagu soo rogay Slovenia ayaa socon doona muddo bil ah.

Sidoo kale dalka Tuunisiya ayaa bandow lagu soo rogay. Waxaana dalka Tuunisiya tan iyo intii cudurkan safmarka ah uu ka bilowday laga helay feyruska korona 40 000 oo qof.

Dalka Wales waxaa isna la gelinayaa laba toddobaad oo la joojinaayo dhammaanba isu socodka dadka, shaqaalaha intooda badan waxaa la farayaa in ay shaqada ka wadaan guryaha.

Dalka Austariya ayaa iyagauna sidaa si la mid ah ku soo rogay dalka xayiraado aad u adag.  Sida uu sheegay Ra’iisul wasaaraha dalkaas Sebastian Kurz  waxaa gudaha ku kulmi kara 6 qof oo kaliya, dibaddana waxaa la oggol yahay in ay ku kulmaan 12 qof.  Waxaa Sabtidii laga helay dalka Austariya  1 7 47 qof oo laga helay feyruska.

Dalka Poland ayaa qorshaynaya in garoonka weyn ee kubadda cagta ay ka dhigaan isbitaal, sidaana waxaa sheegay afhayeenka dowladda Piotr Muller. Waxaana afhayeenku uu intaa raaciyay, in qolalka shirarka ee garoonka la dhigi doono 500 oo sariir, waayo waxaa si aad ah u sii kordheysa tirada dadka laga helayo feyruska korona.

Sidoo kale feyrusku wuxuu aad ugu faafay Ukrain, waxaana ay sheegeen in tirada dadka laga helay ay haatan kor u dhaaftay 303 000 oo qof. Afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay waxaa laga helay feyruska 4 7 66 qof. Waxaana u dhintay feyruska 5 673.

Dalka Jarmalka waxaa maanta laga helay 4 325 qof oo qaba feyruska korona. Sida uu sheegay machadka Robert Koch ee cudurrda faafa waxaa tirada guud ee dadka laga helay feyruska ay gaareysaa 366 299 qof. Tirada dhimashadauna waa 9 789.

Waxaa haatan caalamka oo dhan tirada guud ee laga helay feyruska ay gaaraysaa 40 milyan oo faafista feyruska korona ah. Waxaana sidaa sheegtay wakaaladda wararaka ee  AFP.

Kala bar tiradaas faafista ah waxaa ay ka jiraan dalalka Maraykanka (8 154 935), Hindiya (7 550 273 ) iyo Baraaziil (5 235 344).

2,5 milyan oo faafista feyruska ah waxaa la diiwaangeliyay toddobadii bari ee ugu dambeysay. Waxaana tiradaas badan ay oo baxday kaddib markii aad loo kordhiyay baarista cudurka. Tiradaas waxaa ka maqan oo aan ku jirin, xaaladaha feyruska korona ee dadka qaba aanay wax astaamo ah lahayn, ama astaamaha haya ay yihiin kuwo khafiif ah.

Dalka Norwey

Sida uu ku soo warramayo wargeyska Aftonbladet waxaa magaalada Trondheim ee dalka Norwey laga helay nooc cusub oo feyruska korona, sidaana waxaa lagu ogaaday baaritaanno bilow ah oo la sameeyay. Waxaana haatan baaritaanka arrinkaas gacanta ku heysa hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga ee dalka Norwey FHI.

Noocan cusub ee feyruska korona waxaa lagu arkay koox dad ah oo ku faafay cudurka korona, kuwaasoo joogay baar khamriga lagu cabbo oo ku yaalla magaalada Trondheim. Illaa iyo kun qof ayaa karantiil la geliyay si taxaddar loo muujiyo, waayo waxaa dhici karta in noocan cusub ee feyruska korona uu xagga faafista ka dhakhsa badan yahay kii hore. Dadka uu si toos ah ugu dhacay cudurka waxaa ay gaarayaan 35 qof.

Dhakhtarka sare ee magaalada Trondheim Tove Rosstad ayaa sheegtay in sababta ay dadka badan u geliyeen karantiilka ay tahay, in aan aragnay ayay tiri, in noocan cusub ee feyruska uu si ka fudud sidii hore u faafay, waana sababta aan u qaadannay tillaabooyin ka adag kuwii hore si loo joojiyo faafista feyruska.

Hore ayaa loo ogaa, in feyruska korona uu isbedel samayn karo, uuna noqon karo feyrus u faafa si ka fudud sidii hore.

Xigasho:YLE,HS,MTV3