Finland waxaa laga helay maanta 125 qof oo uu ku dhacay feyruska korona

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Jimco 04.06.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 125 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 93 038 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 1 881 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 29 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay.Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 91 qof, Gobollada kale waxaa tirada laga helay ay ka hooseysay 10 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Vantaa 35
Helsinki 32
Espoo 8
Turku 8
Kerava 6
Järvenpää 3
Mikkeli 3
Forssa 3
Tampere 3
Hämeenlinna 2
Sipoo 2
Loviisa 2
Tuusula 2
Lahti 2

 Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 67 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  10 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 959 qof. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 30 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 7 931 oo qof, kuwaasoo 6 518 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska ee haatan loo bixiyay Alfa, halka 1 319 waa nooca Koonfur-Afrika oo haatan loo bixyay Beeta, Nooca Hindiga oo ah 67 oo haatan loo bixiyay Delta, iyo 2 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil, oo haatan loo bixiyay Gamma. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 02.06).

 

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 2, 6 milyan oo qof (04.06).

 

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

Adduunkoo dhan Qaaradda Yurub
Tirada feyruska laga helay 173 081 993 52,9
Tirada u dhimatay feyruska 3 720 842 1,1

 

Qaaradda Afrika Qaaradda Aasiya
Tirada feyruska laga helay 4 923 897 51 904 196
Tirada u dhimatay feyruska  131 879 699 083

 

Qaaradda W/Amerika Qaaradda K/Amerika
Tirada feyruska laga helay 39 906 081 29 320 379
Tirada u dhimatay feyruska      900 833 907 919

 

Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka ay xaaladda ugu badan ee faafista feyrusku  ka jirtay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
Hindiya 28,572,359   131,371   2 706  340 719
Baraaziil 16,803,472     83 391   2 078  469 784
Arjantiin 3,884,447     32 291      553    79 873
Kolombiya 3,488,046     28 624      545    90 353

 

Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka waqooyiga Yurub, dalka Sucuudiga oo arrimaha xajka iyo cumrada loo aado iyo dalkeenna Soomaaliya

 

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
28 Sweden 1,078,062    1 076     1  14 485
63 Denmark 284,117    1 028     1      2 517
88 Norwey 126,218    289           785
159 Iceland  6 597    2              30
42 Saudi-Arabia  454,217    1 261     15     7 408
133 Soomaaliya  14 699    8     1       771

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS