Wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo feyruska korona

Dalka Hindiya

Wararka ka imaanaya dalkaas ayaa sheegaya in afar iyo laabatankii saac ee la soo dhaafay laga helay dalka Hindiya 77 266 qof oo hor leh oo qaba feyruska korona.

Sida ay sheegeen hawlwadeenno ka tirsan wasaaradda caafimaadka, waa tiradii ugu badnayd ee cudurka laga helo, tan iyo intii uu xanuunkaan safmarka ah ka  dilaacay dalka Hindiya.

Tirada guud ee feyruska korona laga helay Hindiya ayaa gaareysa 3.39 milyan oo qof.  Waxaana u dhintay xanuunka afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay 1 057 qof. Tirada guud ee dalka Hindiya u dhimatay xanuunka waa 61 529 oo qof.

Dalalka Carabta

Dawladda Ciraaq ayaa sheegtay in maanta ay u dhinteen feyruska korona 74 qof oo hor leh, halka dalka Sucuudigana ay u dhinteen 28 qof, Kuweit waxaa u dhimatay 3 qof, iyadoo dalalka Qatar iyo Imaaradkana uu min hal qof u dhintey feyruska korona.

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Lubnaan ayaa sheegtay in maanta xanuunka laga helay 676 qof oo cusub. Taasoo tirada guud ee feyruska korona dadka laga helay dalkaas ka dhigeysa 15613 qof.  Wasaaraddu waxaa ay sheegtay in laba qof oo cusub ay u dhinteen feyruska korona, taasoo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 148 qof, 90 qof ayaa xaaladoodu ay tahay mid aad u daran, waxaana feyruska ka bogsooday 4260 qof.

Dalka Aljeeriya sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dalkaas waxaa feyrsuka laga helay Jimcaha 28.8 dad tiradoodu gaareyso 387 qof, iyadoo tirada guud ee dadka laga helay feyruska ka dhigeysa 43 kun 403 qof.

Dalka Hungary

Dawladda dalka Hungary ayaa sheegtay maanta oo Jimco ah in ay xirtay xuduudaheeda oo aanay dadka ajaanibta ah soo gali karin dalkaas laga bilaabo 01.09, sababtoo ah  kororka dadka uu ku dhacay feyruska korona oo dib u soo cusboonaaday. Sida ay xukuumaddu sheegtay dadka kaliya ee loo oggol yahay in ay waddanka soo galaan waa muwaadiniinta u dhalatay dalkaas iyo kuwa dalalka kale ee wata waxyaabo macquul ah oo caddaynaaya sababta ay dalka u imaanayaan.

Afhayeen u hadlay xukuumadda Mr Gergely Gulyás ayaa sheegay maanta in tirada ugu badan ee dadka laga helo feyruska korona ee Hungary ay yihiin dad ka yimid dalka dibaddiisa. Afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay waxaa laga helay feyruska korona 132 qof oo hor leh.

Dalka Faransiiska

wararka ka imaanaaya dalka Faransiiska ayaa sheegaya in Jimcihii  tiro aad u badan laga helay feyruska korona, sida wakaaladda wararka ee Reuters ay ka soo xigatay hawlwadeennada wasaaradda caafimaadka. Waxaa dalka Faransiiska Jimcihii laga helay 7 379 qof oo cusub oo qaba feyruska korona, tiradaasso ka badan tii khamiista la soo sheegay ee ahayd 611 qof.

Wadarta guud ee dadka laga helay cudurka ayaa gaareysa 267 077 qof. Waxaa intaas dheer in ay qeybta xaaladda degdegga ah ay ku jiraan 387 qof. Waxaana u dhimatay xanuunka feyruska korona 30 596 qof. Afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay oo kaliya waxaa dalka Faransiiska feyruska korona awgiis ugu dhimatay 20 qof.

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emaunel Macron ayaa maanta ka digey, in aan la soo celin kala xirkii xuduudaha u dhexeeya dalalka yurub. Waxaana uu sheegay in arrinkaas uu ahaa mid aan waxtar weyn ah lahayn, wuxuuna ku keenay Yurub natiijooyin liddi ku ah ujeedadii laga lahaa ee ahayd joojinta kororka xanuunka feyruska korona.

Isha Warka: Aljazeera.net

Xuquuqda Sawirka: Yle