Xaaladihii ugu dambeeyay ee feyruska korona iyo cabsi xooggan oo laga qabo in uu aad u kordho

Espoo 12.8.2020- Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL waxaa Finland maanta laga helay xanuunka 19 qof oo cusub oo qaba feyruska Korona.

Illaa iyo maanta oo Arbaco ah 12.8.2020, waxaa dalkan Finland tirada guud ahaaneed ee laga helay xanuunka feyruska korona ay maraysaa 7 624.

Dadka ugu badan ee xanuunku ku dhacay waxaa manta laga helay Espoo (8 qof), Helsinki (6 qof).

Maalmahaan dambe waxaa aad u sii kordhayay dadka ku dhaqan Qaaradda Yurub ee qaadaya xanuunka safmarka ah ee uu feyruska Korona sababo. Waxaa kale oo haatan si weyn dunida gaar ahaan qaaradda Yurub looga hadlayaa cabsi laga qabo in mowjaddii labaad ee feyruska Korona ay hadda billaabatay.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in xarunta daryeelka khaaska ah ee Finland uu haatan ku jiro hal (1) bukaan oo kaliya. Tirada guud ee hadda Finland oo dhan xanuunkan awgiis ugu jirta isbitaalna waa 7 qof, tiradaan oo laba qof ka badan intii ay aheyd Isniintii la soo dhaafay. Tirada guud ee illaa iyo haatan xanuunkaan ugu dhimatay dalkan Finland waa 333 qof.

Waxaa qoray Abdirizak Sugulle