Wararka feyruska korona Finland iyo caalamka intiisa kale

Finland waxaa laga helay 120 qof oo cusub oo qaba feyruska korona.

 Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Arbaca 07.10.2020 laga helay feyruska korona 120 qof oo cusub oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa gaareysa 11 049 qof.

Afar iyo tobankii maalmood ee la soo dhaafay waxaa dadka cusub ee laga helay feyruska ay tiradoodu gaareysaa in ka badan 903 xaaladood ee labadii toddobaad ee ka soo horreeyay.

Tirada cusub ee maanta la helay waxaa ugu badan magaalada Helsinki 57 qof, Espoo 11 qof, Vantaa 11 qof.

Wax dhimasho cusub oo feyruska korona awgiis ah ma dhicin toddobaadkaan. Illaa iyo imminka tirada u dhimatay feyruska ee dalka Finland waa 346 qof.

Waxaana 48% ay ahaayeen rag, halka 52% ay ahaayeen dumar.

Waxaa haatan daryeelka isbitaalka ugu jira 31 bukaan, qaybta daryeelka xaaladaha aadka u daranna waxaa ku jira 5qof.

Golaha dowladda oo toddobaadka soo socda ka shiri doona arrinka ku saabsan sharciga cudurrda faafa.

Ra’iisulwasaaraha dalkan Finland Sanna Marin ayaa barteeda tiwiiterka ku sheegtay in arbacada soo socota ay golaha wasiirradu ka shiri doonaan arrinka ku saabsan sharciga cudurrada faafa, iyagoo si guud ahaaneed dib ugu eegi doona sharcigaas. Waxaana golaha la horkeeni doonaa hindise ay soo diyaarisay wasaaradda caafimaadka iyo arrimaha bulshada oo ku saabsan wax ka beddelista sharcigaas.  Ra’iisul wasaaruhu waxaa kaloo ay sheegtay in ay shirkaas ugu yeertay in ay kala soo qaybgalaan wakiillo ka socda xisbiyada mucaaradka dowladda, waayo ayay tiri arrinka waa mid aad muhiim u ah, waana in laga yeeshaa wadahadallo heer baarlamaan ah.

Haddii sharciga isbeddel lagu sameeyo waxaa surrtaggal noqoneysa in mustaqbalka hawlaha wax looga hortagaayo cudurrada faafa si ballaaran loo isticmaalo iyadoo aan loo bahan in la galo xaalad aan caadi aheyn ama xukun degdeg ah oo aad u weyn.

Wasiirka arrimaha qoyska iyo adegeeyada asaasiga ah Krista Kiuru ayaa sheegtay in arbacada iyo khamiista soo socotaba ay golaha dowladdu ka wadahadli doonaan howlgallada qarameed ee looga hortagaayo cudurkan safmarka ah.

Sida ay Wasiiraddu sheegtay howlagallada la diyaarinaayo ee la xiriira arrimaha la soo shegay waxaa ay ku saabsan yihiin goobaha guud ee la isugu yimado, hiwaayadaha, goobaha gaarka ah ee dadku ku kulmaan iyo sidoo kale shaqada iyo waxbarashada dhanka intenetka ah.

Magaalada Vaasa oo noqotay magaaladii koronaha ee dalkan Finland

Wararka ka imaanaya magaalada Vaasa ayaa sheegaya in xaaladda faafista feyruska korona ee magaaladaasi ay sii kordheyso, iyadoo tirada 100 000 ee qof ee kastaa ay 330 qof ka tahay faafista cudurka, halka marka loo barbardhigo magaalada Helsinki ay 100 000 ee qof ee kastaa ay ka tahay 89 xaaladood oo faafista cudurka ah.

Waxaana arrinku uu ka bilowday kaddib markii 23.9 ay ardaydu ku qabsadeen xaflado kala duwan, xafladahaas kaddib ay magaalada sii mareen oo goobo kala duwan ay cagta mariyeen, waxaana ardeyda ku dhex jiray dhowr qof oo sida feyruska korona.

Tirada cusub ee maanta laga helay feyruska ayaa gaareysa 41 qof, waxaana iskudarka guud ay noqoneysaa 334 qof oo qaba feyruska korona. Laba toddobaad gudahood ayaa waxaa tirada dadka qaba feyruska ku darsantay 235 qof.

Dhakhtarka sare ee magaalada Vaasa Heikki Kaukoranta ayaa mar ay warfidiyeennadu weydiiyeen maxaa Finland inteeda kale ay ka baran karaan xaaladda faafista feyruska korona ee Vaasa, wuxuu si kooban ugu jawaabay:

  • Waxaa aad u wanaagsanaan lahayd ee xayiraadaha heerka qarameed ee furnaanshaha dukaamada iyo baararka si degdeg ah loo hirgeliyo markii ay bilaabatay mawjadda labaad ee feyruska korona. Hase yeeshee ayuu yiri dhakhtarku arrinkaasu waxaa uu noqday mid la siyaasadeeyay islamarkaana suurtaggal noqon waayay in la hirgeliyo, balse arrinkaas haddii la hirgelin lahaa bil kahor aad baa looga faa’iidi lahaa. Sideeda kale waxaa mar walba haboonan lahayd ayuu yiri in howlaha looga hortagaayo faafista feyruska xilli hore la qabto.

Maamulayaasha macaahidda sare ee dalkaan oo ardayda ka codsaday in ay taxaddar dheeri ka muujiyaan sidii feyruska looga hortagi lahaa

Ardayda wax ka barata macaahidda sare iyo jaamacadaha ee dalkaan Finland ayaa maalmahaan dambe waxaa ku soo badaneysay in ay qayb weyn ka yihiin goobo badan oo uu feyruska korona si weyn ugu faafay. Tusaale ahaan faafis badan oo ka dhacday magaalada Vaasa waxaa ay salka ku heysay munaasabado ay ku kulmeen arday aad u fara badan. Waxaana haatan maamulayaasha macaahidda sare iyo jaamacaduhuba ay si cod dheer ah gudiyada ardeyda uga codsanayaan, in ay ardeyda ku guubaabiyaan ayna xusuusiyaan mas’uuliyadda ka saaran habdhaqankooda, si aanay u dhicin in la xiro dhismayaasha jaamacadaha iyo macaahidda.

Waxaa ay maamulayaashu sheegeen in haboon tahay in haatan xisaabta lagu darsado isuimaatinka kooxaha badan ee khatarta cudur faafistu ay ka dhacday, lana xadido kulamada la isugu imaanaayo oo laga dhigo kuwo ku kooban tiro aad u yar oo dad ah.

Gudoomiyaha ururuka ardeyda Finland Anna Laurila ayaa sheegtay in arrinkaas macnihiisu uusan aheyn in dadka xoriyaddooda shakhsiyadeed laga qaadayo. Qofkuna saaxiibadiis waxaa uu ula kulmi karaa si mas’uuliyadi ay ku dheehan tahay, balse waa in qof walbaa caafimaadkiisa u gaarka ah uu ka taxaddaro.

Xilliyada furnaanshaha baaraka oo la adkeeyay

Xoghayaha guud ee wasaaradda caafimaadka iyo arrimaha bulshada Kirsi Varhila ayaa sheegtay in laga bilaabo axadda soo socota la adkeyn doono xilliyada furnaanshaha baararka ee magaalooyinka xaaladda faafista cudurka safmarka ah ee feyruska korona ay faraha ka sii baxayso. Waxaana ay arrinkaas ka sheegtay shir jaraa’id oo ay maanta wasaaradda iyo hay’adda THL wada qabteen.

Sida wasaaraddu sheegtay shan gobol oo ka mid ah dalkaan Finland ayaa waxaa lagu soo rogay in baararka iyo maqaaxiyuhu ay joojiyaan iibinta khamriga saacadda 22.00, ayna tahay in ay albaabada isugu laaban ama xiraan baararka saacadda 23.00-

Gobollada haatan xaaladda feyrsuku ay cirka isku sii shareereyso oo nidaamkaan lagu dabaqaayo waxaa ay kala yihiin Uusimaa, Varsinais-Suomi, Pirkanmaa, Kanta-Häme iyo Pohjanmaa, kuwaasoo haatan xaaladoodu ay u muuqato marxaladda faafista aadka u sarreysa.

Sidoo kale waxaa la xusuusinayaa in gudaha baararka ay soo geli karaan oo kaliya kala bar tirada caadiga ah ee loogu talaggalay in ay gudaha fariistaan.

Isbitaallada dalkan Finland oo u diyaargaroobay xaaladda feyruska korona ee aadka u sii kacaysa

Waaxaha caafimaadka ee dalkaan Finland ayaa isu diyaarinaya tirada sii kordheysa ee bukaanka u baahan daryeelka qeybta xaaladaha aadka u daran. Waxaana la sheegay in qaybtaas xaaladaha aadka u daran loo kordhin doono hadba sidii loogu baahdo.

Tirada dadka xanuunkan feyruska korona awgeed ugu jira qeybta xaaladaha aadka u daran ee dalkaan Finland ayaa aad u yareyd xilligii xagaaga iyo bilowgii deyrtanba. Hase yeeshee toddobaadkaan ayaa tirada bukaannadaas ay aad u soo badaneysay.

Waxaana isbitaalladu ay sheegeen in xilligii gu’ga ee la soo dhaafay ee feyruska korona uu dunida ka bilowday wax badan ay ka barteen qaabka u diyaargarowga arrinkaas. Waxaana ay khabiirrada arrinkaas ku xeel dheer sheegeen, in sidii guigii la soo dhaafay oo kale aanay hal mar diyaarin doonin sariiro aad u fara badan oo qeybta daryeelka xaaladaha aadka u daran ah, hase yeeshee ay si tartiib taartiib ah u kordhin doonaan hadba wixii loo baahdo.

Magaalada Vantaa garoonka lagu ciyaarto ciyaarta Saliband-ga oo qof daawanayay laga helay feyruska korona.

Maamulka magaalada Vantaa ayaa sheegay in sabtidii la soo dhaafay qof joogay garoonka ciyaarta salibandi-ga ee Tikkurilla laga helay feyruska korona. Waxaana maamulka magaaladu uu diginiin u dirayaa in dadkii daawanaayay ciyaartaas ay suurtaggal tahay in ay u nuglaadaan feyruska korona.

Waxaa suurtaggalnimada u nuglaantu ay dhacday 3 dii bishan oktoobat intii u dhexeysay 17-19 fiidnimo.

Dadkii joogay daartaas isboortiga si toos ah looma gelinaayo karantiil, laakiin waxaa loo soo jeedinayaa in muddo laba toddobaad ah aanay la kulmin wax dad ah islamarkaana ay qaataan afshareerka, haddii ay wax astaamaha feyruska ah isku arkaanna ay si degdeg ah ula soo xoriiraan hey’adaha caafimaadka.

Toddobaadkan horaantiisii ayaa sidoo kale waxaa magaalada Vantaa ay digniin ku bixisay in u nuglaanta feyruska ay ka dhacday hoolka dabaasha ee deriska la ah garoonkan ee magaalada Tikurilla, kaddib markii qof joogay hoolka dabaasha 28 ama 29 bisha september intii u dhexeysay saacadaha 16-17 galabnimo laga helay feysuka korona.

Wararka guud ee Caalamka iyo feyruska korona

Dalka Polland

Dalka Poland ayaa lagu soo warramayaa in feyruska korona uu si aad ah ugu faafaayo. Sida ay sheegeen hawlwadeennada wasaaradda caafimaadka waxaa afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay laga helay dalkaasi in ka badan 3000 oo qof oo uu ku dhacay feyruska korona, waxaana u dhintay cudurka awgiis 75 qof.

Dalka Faransiiska

Hawlwadennada wasaaradda caafimadka ee Faransiiska ayaa sheegay in maalintii Talaadada laga helay dalkaas 10 000 oo qof oo qaba feyruska korona. Waxaana sida bayaanka wasaaradda lagu sheegay ay tirada guud ee dadka uu ku dhacay feyruska korona ee dalka faransiiska ay gaareysaa 634 000 oo qof.

Waxaana daryeel isbitaal ugu jira feyruska awgiis dad gaaraya 7397 qof, kuwa ku jira qeybta xaaladaha aadka u daran ayaa iyaguna gaaraya qiyaastii 1426 qof. Waxaana magaalada Paariis lagaga dhawaaqay u diyaargarow xaalad cusub oo feyruska korona ah.

Dalka Talyaaniga ayaa laga bilaabo maanta khasab kaga dhigay dadka in ay qaataan afshareerka marka ay joogaan bannaanka iyo goobaha gudaha ah.

Dalka Jarmalka

Maamullada magaalooyinka Baarliin yo Farankfort ayaa iyaguna talaadadii soo rogay bandow lagu mamnuucaayo isu socodka dakda iyo kulamada arrimaha bulshada , kaddib markii faafista cudurka korona ee magaalooyinkaas ay si welwel ah kor ugu kacday.

Caasimadda Jarmalka ee Baarliin ayaa dukaamada, maqaaxiyaha iyo baararka khamriga waxaa lagu soo rogay in la xiro inta u dhexeysa 23.00-06.00 laga bilaabo Sabtida soo socta illaa iyo laga gaaraayo 31 isha Oktoobar. Waxaana go’aankaas laga soo reebay farmashiyayaasha, maxaddooyinka bansiinka, laakiin maxadooyinka bansiinka waxaa laga mamnuucay in ay wax khamri ah iibiyaan habeenkii.

Toddobadii maalmood ee ugu dambeeysay ayaa xaaladda faafista feyruska korona ee magaalada Baarliin ay cirka isku shareertay, taasoo noqotay in 100 000 ee qof ee kastaa uu ku faafo cudurku 44.2.

Maraykanka

Xarumaha ka hortagga iyo ladagallaanka cudurrada faafa ee Maraykanka ayaa sheegay in tirada dadka uu ku dhacay feyruska korona ee dalka Maraykanka ay gaartay 7 milyan 436 qof, iyadoo tirada dhimashaduna ay gaartay in ka badan 209 000 oo qof.

Baraaziil

Wasaaradda caafimaadka ee Baraaziil ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dalkaasi laga helay 41.9 kun oo qof oo hor leh oo qaba feyruska korona. Waana tiradii ugu badneyd ee hal maalin laga helo feyruska tan iyo 11 kii bisha september.

Waxaana tirada guud ee dadka uu ku dhacay feyruska Korona ee dalkaas Baraaziil ay ka dhigeysaa 4.9 milyan oo qof. Dhimashaduna waxaa ay kor ugu kacday illaa iyo qiyaastii 147 000 oo qof.

Galbeedka Afrika

Dalalka Nayjeeriya, Ghana, Gaambiya, Siralyoon Iyo Laybeeriya oo dhammantoodba ka tirsan galbeedka Afrika ayaa la sheegayaa in feyruska korona uu si xoog leh ugu faafaayo.

Xarunta ka hortagga cudurrada ee dalka Nayjeeriya ayaa sheegtay in dalkaas afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay laga helay 120 qof oo cusub oo qaba feyruska, taasoo tirada guud ka dhigeysa 59 465 qof.

Dalka Ghaana sida ay sheegtay hay’adda adeegga cafimaadka waxaa tirada guud ee laga helay feyruska korona ay gaareysaa 46 829 qof, halka dhimashudna ay marayso 303 qof

Dalka Gaambiya sida ay wasaaradda caafimaadku sheegtay waxaa far iyo labaatankii sac ee la soo dhaafy laga helay feyruska 29 qof oo cusub, iyadoo tirada guud ee dadka feyrusku ku dhacay ka dhigeysa 3406 qof

Siralyoon ayaa dhankoodana laga helay 19 qof, taasoo tirada guud ka dhigeysa 3613 qof. Waxaana u dhintay cudurka 117 qof.

Dalka Laybeeriya ayaa iyana tirada guud ee feyrsuka laga helay waxaa ay gaareysaa 1354 qof, halka dhimashaduna ay tahay 82 qof. Waxaana cudurka ka bogsaday 1236 qof.

Waxaa xusid mudan in tirada guud ahaaneed ee qaaradda Afrika oo dhan ee uu ku dhacay feyrusku in ay kor u dhaaftay Hal milyan 534 kun oo qof, waxaana u dhintay cudurka awgiis in ka badan 36 900 oo qof.

 

Xigasho: YLE,HS, ALJAZEERA