Wasiirka caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay ee Korona iyo Soomaaliya

Wsiirka caafimaadka ee Soomaliya Dr Fawsiya Abiikar/ xuquuqda sawirka: Radio Muqdishu

Axad 14.03.2021. Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in 24-kii saac  ee la soo dhaafay feyruska korona laga helay 244 qof, halka 18 qofna ay u geeriyoodeen xanuunka awgiis.

Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuurayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobollada kala ah, gobalka Banaadir (29), Somaliland (45), iyo Puntland (144).

Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona dalka soomaaliya tan iyo markii cudurka safmarka ah uu ka bliowday dalka ayaa gaaraysa 9 190, waxaa illaa iyo imminka ka bogsaday tiro gaaraysa 4 230 qof. Tirada dhimashada guud ayaa sida wasaaraddu ay warbixinta ku sheegtay waxaa ay gaaraysaa 367 qof.

Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Marwo Fowziya Abiikar Nuur, ayaa mar kale ku celisay muhiimadda ay leedahay, qaadashada talooyinka caafimaad ee ay soo gudbinayaan khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinaayo khatarta uu cudurkaan feyruska korona dadka ku keeni karo, maadaama mowjaddii labaad ee cudurka ay mar kale ka bilaabatay dalka Soomaaliya. Waxaana dadweynaha gobolka Banaadir lagu soo rogay in ay qaataan af-shareerka, sidoo kale Maamulka Koonfur-Galbeed ayaa soo saaray amarro cusub oo looga hortagaayo faafista feyruska korona.

Xigasho: Raadiyo Muqdisho