Finland waxaa laga helay maanta 267 qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo 1 xaalad oo dhimasho cusub ah

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Jimco 23.04.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 267 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 85 344 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 4 083 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 49 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay149 qof,  gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 36 qof,  iyo gobolka Pirkanmaa waxaa  laga helay 16 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 50
Espoo 37
Vantaa 29
Turku 23
Tampere 14
Lahti 12
Tornio 10
Oulu 9
Kirkkonummi 5
Salo 5
Kajaani 5
Karkkila 4
Hanko 4
Kerava 4
Kotka 4
Mikkeli 3
Naantali 3
Porvoo 3
Pornainen 3
Tuusula 3
Sipoo 2
Orimattila 3
Paimio 2
Siilinjärvi 2
Hollola 2
Kouvola 2
Liminka 2
Maarinahamina 2

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 132 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  31 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 903 qof, kaddib markii ay maanta hay’adda THl sheegtay dhimashada 1 qof oo hor leh. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 36 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 4 716 oo qof, kuwaasoo 4 022 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 693-ka kalena uu yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 1 474 441 oo qof (23.04).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
Tirada feyruska laga helay 48 827 870 145 495 301
Tirada u dhimatay feyruska  1 040 211 3 088 563

 

Qaaradda Afrika Qaaradda Aasiya
Tirada feyruska laga helay 4 514 657 35 696 405
Tirada u dhimatay feyruska  119 559 483 543

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS