Finland waxaa laga helay maanta 132 qof oo uu ku dhacay feyruska korona

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Axad 02.05.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 132 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 87 228 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 3 097 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 39 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 60 qof,  gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 35 qof , iyo gobolka Pirkanmaa oo  laga helay 7 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 23
Salo 15
Espoo 14
Turku 13
Vantaa 8
Oulu 5
Tampere 4
Kotka 3
Hyvinkää 3
Hämeenlinna 3
Lahti 3
Rusko 2
Vöyri 2
Raisio 2
Nurmijärvi 2
Tuusula 2
Masku 2
Janakkala 2

 

Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 126 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  31 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 914 qof. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 27 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 4 716 oo qof, kuwaasoo 4 022 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 693-da kalena uu yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

 

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 1 694 744 oo qof (02.05).

 

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

  Adduunkoo dhan Qaaradda Yurub
Tirada feyruska laga helay 150 341 241 50 415 907
Tirada u dhimatay feyruska 3 166 947 1 070 809

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS