Finland waxaa laga helay maanta 246 xaaladood oo feyruska korona ah

Axad 24.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 246 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 42 580 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 48 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 117 qof, gobolka Pohjois-Savo oo laga helay 26 qof, iyo gobolka Pohjois-Pohjanmaa oo laga helay 22 qof.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 64 qof, Espoo: 24 qof , Kuopio: 20 qof,  Jyväskylä: 17 qof, Oulu: 16 qof, Vantaa: 15 qof, Turku: 10 qof, Tampere: 9 qof, Vöyri: 4 qof, Siilinjärvi: 4 qof, Joensuu: 4 qof, Tuusula: 3 qof , Valkekakoski: 3 qof, Tyrnävä: 3 qof, Laukkaa: 3 qof, Hämeenlinna: 3 qof, Hyvinkää: 2 qof, Porvoo: 2 qof, Askola: 2 qof, Naantali: 2 qof, Sastamala: 2 qof, Vaasa: 2 qof, Lahti: 2 qof, Kouvola: 2 qof, Kotka: 2 qof, Leppävirta: 2 qof, Pori 2 qof, iyo inta kale ee soo hartay magaalooyinka qaarkood oo min hal qof laga helay.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 136 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 24 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 644 qof.

Xaaladda cudurka safmarka ah ee heerka faafista: HUS, Kymenlaakso, Päijät-Häme,, Kanta-Häme, iyo Varsinais-Suomi. Heerka karaar qaadashada, Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pohjois-Pohjanmaa, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Etelä-Karjala, Pohjois-Karjala, Ahvenanmaa, Kainuu, Pohjois-Savo, iyo Vaasa (marka laga reebo Korsnäs, Mustasaari, Pietarsaari iyo Maalahti, oo iyagu ku jira heerka faafista). Heerka hoose: Satakunta,Keski-Pohjanmaa, Itä-Savo, Etelä-Savo iyo Lappi.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

 31 939 338    99 428 772
       697 155       2 132 298

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 25,5 milyan  172 913     3 427  427 635
2 Hindiya 10,7 milyan    14 891        154  153 376
3 Baraaziil 8,81 milyan    61 121     1 176  216 475
4 Ruushka 3,69 milyan    20 921        559    68 971
5 Ingiriiska 3,61 milyan    33 552     1 348    97 329
6 Faransiiska 3,03 milyan    23 924        230    72 877
7 Isbeyn 2,60 milyan    55 441
8 Talyaaniga 2,45 milyan    13 331        488    85 162
9 Turkey 2,42 milyan      5 856        144    24 933
10 Jarmalka 2,13 milyan    12 428        516    52 536
11 Kolombiya 2, 00 milyan    15 551        396    50 982
12 Arjantiin 1,86 milyan      8 362        162    46 737
13 Meksiko 1,73 milyan    21 007     1 440  147 614
14 Poland 1,47 milyan      6 205        346    35 253
15 K/afrika 1,40 milyan    12 271        498    40 574
16 Iiraan 1,36 milyan      6 207          69    57 294
17 Ukriane 1,18 milyan      4 928        116    21 778
18 Peru 1,09 milyan      5 842        181    39  608

 Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS