Finland waxaa laga helay maanta 640 qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo hal xaalad ooo dhimasho ah

Talaada 23.03.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 640 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 72 713 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 9 603 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud qiyaastii illaa iyo 85 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 347 qof, gobolkaPirkanmaa oo laga helay 111 qof, waxaa ku xiga gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 55 qof, iyo gobollada Päijät-Häme iyo Keski-Suomi oo laga helay min 26 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 182 Vaasa 4
Tampere 68 Forssa 4
Vantaa 55 Naantali 3
Espoo 50 Heinola 3
Turku 31 Rovaniemi 3
Lahti 20 Kauniainen 3
Ylöjärvi 20 Lappeenranta 3
Jyväskylä 11 Tuusula 3
Vihti 11 Huittinen 3
Kerava 9 Askola 3
Laukaa 9 Kirkkonummi 3
Kaarina 7 Sipoo 3
Oulu 7 Raiso 3
Kangasala 7 Karkkila 3
Salo 7 Rauma 3
Järvenpää 7 Säkylä 2
Kotka 6 Savonlinna 2
Porvoo 6 Varkaus 2
Pirkkala 6 Kankaanpää 2
Mikkeli 5 Virolahti 2
Nurmijärvi 4 Kuopio 2
Lempäälä 4 Valkeakoski 2
Kouvola 4 Seinäjoki 2
Hyvinkää 4 Kemijärvi 2

 

Inta kale ee magaalooyinka soo harayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 302 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  64 qof. Tiradii shalay ku jirtay daryeelka qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku korortay 9 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 809 qof, kaddib markii ay hay’adda THL sheegtay in maanta hal qof oo hor leh uu u dhintay feyruska korona.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 1 963 qof, kuwaasoo 1 823 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 139-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 742 812 oo qof (23.03)

 Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunka oo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

       41 499 954     124 378 789
             922 949         2 737 469

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS