Wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo feyruska korona- wadamada uu sida xawli ah ugu faafayo korona

28.8.2020- Dalka Isbeyn oo xaaladda faafitaanka feyruska korona ay maalinba maalinta ka dambeysa cirka isku sii shareereyso, ayaa waxaa wararku tilmaamayaan in dalkaas laga diiwaan geliyay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay 10 000 oo xaaladood oo hor leh. Waxaana tirada guud ee feyruksa korona uu ku dhacay ee dalka Isbeyn ay noqoneysaa 428 kun iyo 507 qof.

Wararka Isbeyn ka imaanaya ayaa intaa ku darayaan in toddobaadkii la soo dhaafay ay feyruska korona u dhinteen 132 qof, taasoo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 28 kun iyo 996 qof.

Dalka Ingiriiska ayaa isna lagu soo waramayaa in tiradii ugu badneyd ee feyruska korona ee hal maalin gudaheed ah laga diiwaangeliyay tan iyo bishii Juun ee la soo dhaafay.

Wasaaradda caafimaadka ee Ingiriiska ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay dalkaas laga diiwaangeliyay 1522 qof oo qaba feyruska korona.

Marinka Qaza ayaa sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Falastiin waxaa laga helay 40 qof oo cusub oo qaba feyruska korona, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in dadka laga helay feyruska ay intaa ka badan yihiin oo tiradoodu ay gaareyso 54 qof.

Dalka Masar  ayaa sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka ee dalkaas waxaa laga helay feyruska korona 237 qof oo cusub, iyadoo tirada dhimashada afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafayna ay aheyd 25 qof.  Afhayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka oo magaciisa la yiraahdo Khaalid Mujaahid ayaa sheegay, in tirada guud ee laga helay feyruska korona ee dalka Masar ay gaareyso 98 kun iyo 62 qof, iyadoo ay cudurka ka bogsadeen 69 kun iyo 612 qof. Halka tirada dadka korona u dhinteyna ay gaareyso 5342 qof.

Dalka Faransiiska wararka ka imaanaya ayaa waxay iyaguna sheegayaa in isticmaalka afshareerka uu noqonayo mid khasab ka ah dhammaanba nawaaxiga caasimadda dalkaas ee Paris, sidaana waxaa sheegay ra’iisulwasaaraha Faransiiska Jean Castex. Markii hore isticmaalka afshareerku wuxuu khasab ka ahaa meelo gaar ah oo caasimadda ka tirsan, sida dukaamada iyo goobaha socodka iyo tamashlaha loo tago.

Wali ma cadda xilliga dhabta ah ee ay qaadshada afshareerku khasabka ka noqon doonto Paris iyo nawaaxigeeda.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa tirada dadka laga helaayo feyruska korona ee dalka Faransiisku ay kor u sii kacaysay. Warbixin la soo saaray Arbacadii la soo dhaafay ayaa lagu sheegay in Talaadadii ka horreysay Arbacada warbixinta la soo saaray laga helay feyruska korona 5400 oo qof oo cusub.

Dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay ayaa tirada laga helay feyruska korona waxaa ay aheyd qiyaastii gaaraysa 35 000 oo qof, sidaasana waxaa lagu sheegay warbixin ay soo saartay Jaamacadda Johns Hopkins.

Xuquuqda sawirka: YLE

Wararka waxaa qoray Abdirizak Sugulle